SAWIRRO: Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaliya oo ka haray tartanka (AFCON)

Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ayaa guuldarro kala kulmay dhigooda Senegal kulan ka tirsanaa tartanka CAF U17 Cup of Nations.
Ciyaartan oo ka tirsanayd guruub A ayaa ahayd ciyaartii ugu dambeysay heerka guruubka waxaana xulka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ay macsalaameeyeen tartanka da’yarta 17-jirada CAF U17 Cup of Nations iyagoo ku haray guruubka A.
Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ayaa ku haray heerka guruubka markii ugu horreysay ay ka qaybgalaan tartanka CAF U17 Cup of Nations.
Ciyaaryahanka lambarka 8-aad ee xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya Said Mohamed Abdi ayaa iska dhaliyay kubbad ahayd (Own goal) daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta, waxaana goolka labaad ka dhaliyay xulka Soomaaliya ciyaaryahanka lambarka 10-aad Amara Diouf daqiiqadii 33-aad, iyadoo qaybtii koowaad lagu kala nastay 2-0 oo hoggaanka ku haysay xulka Senegal.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta dhammaadkii kulanka xulka qararnka da’yarta 17-jirada Senegal waxay heleen gool-kulaad, kaddib markii diilinta ganaaxa uu qalad ku galay ciyaaryahanka lambarka 4-aad xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya Abdulkadir Osman Mohamed waxaana gool u beddelay ciyaaryahanka lagu magacaaabo Yaya Diémé daqiiqadii 88-aad dhammaadkii kulanka, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-0 oo guusha ku qaateen ciyaartoyda da’yarta 17-jirada Senegal.
Garsooraha kulankan wuxuu ahaa Tuoniféré Sorooo u dhashay dalka Côte d’Ivoire, kaasoo bixiyay kaliya hal kaar oo ah kaarka digniinta waxaana qaatay ciyaaryahanka xulka qaranka da’yarta 17-jirada Senegal Yaya Diémé daqiiqadii 77-aad.
Si kastaba Xulka qaranka da’yarta 17-jirada Soomaaliya ayaa ku haray heerka guruubka A waxaana laga adkaaday labo kulan halka ay barbaro galeen hal kulan sidaasna waxay kaga hareen tartanka CAF U17 Cup of Nations oo markii ugu horreysay ka qaybgalaan.








