2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaBayern MunichBundesligaLa LigaWararka

Tababare Thomas Tuchel oo kooxda Bayern Munich ka codsaday in loo keeno mid ka mid ah xiddigaha Barcelona

Tababaraha reer Jarmal ee Thomas Tuchel ayaa la soo warinayaa inuu kooxdiisa Bayern Munich ka codsaday saxiixa xiddiga naadiga Barcelona ee Ousmane Dembélé.

Sida uu warinayo Warsidaha Fichajes, Macallinka kooxda Bayern Munich ee Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu dib ula midoobo ciyaaryahankiisii hore ee Ousmane Dembélé, wuxuuna ka codsaday kooxda inay la soo saxiixato xagaagan.

Labadan nin ayaa si wadajir ah uga soo wada shaqeeyey kooxda Borussia Dortmund ee dalkaasi Jarmalka ka hor inta uusan Dembélé u dhaqaaqin naadiga Barcelona sanadkii 2017.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer France ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 50 milyan oo euro kaddib markii uu cusbooneysiiyay qandaraaskiisa Camp Nou xilli ciyaareedkii hore.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button