Ferran Torres oo doonayo inuu dib ugu laabto Premier League’
Weeraryahanka Barcelona Ferran Torres ayaa lagu soo waramayaa inuu soo dhaweyn doono ku soo laabashada Premier League xagaagan hadii Barcelona ay ku qasabto inuu katago kooxda.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa u soo ciyaaray kooxda Manchester City inta uusan ka tagin bishii Janaayo 2022, Torres ayaa u dhaliyay 14 gool Barcelona, isagoo caawiye ka ahaa 8-gool tartammada oo dhan tan iyo markii uu yimid Barcelona, laakiin waxa uu hoos ugu dhacay heerka ugu sarreeya marka ay timaado weerarka.
Intii lagu jiray xilli ciyaareedka 2022-23, Torres wuxuu ku soo bilowday kaliya 13 kulan oo La Liga ah waxaana hal kulan uu ku soo bilowday tartanka Champions League.
Intaa waxaa dheer, Torres wuxuu bedel ku soo galay labadii ciyaar ee isreebreebka Europa League ee Barca ay la ciyaartay Manchester United, waxaana la isla dhexmarayaa mustaqbalkiisa kooxda halka uu sal dhigan doono.
Kooxaha Arsenal iyo Aston Villa ayaa kor kala socdo xaaladda ciyaaryahanka iyagoo aad u xiiseynayo saxiixiisa, Football Insider ayaana warineysa inuu doonayo horyaalka Premier League dib ugu laabto Ferran Torres.
Laacibkii hore ee Valencia ayaa weli qandaraas kula jira Barcelona illaa 2027, inkastoo, weli uu jacelyahay inuu sii joogo kooxdiisa Barcelona haddii uu ka helayo boos joogta ah.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Ousmane Dembele, Gavi, Raphinha iyo Ansu Fati ay sidoo kale ku tartamayo safka hore, Torres ayaa laga yaabaa inuu katago kooxda Barcelona xaggaagan.