Lionel Messi oo Cristiano Ronaldo kula midoobaya horyaalka Sucuudiga
Weeraryahanka kooxda PSG iyo Xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa heshiiskii ugu weynaa taariikhda kubadda cagta la gaaray koox ka dhisan dalka Sucuudiga, waxaana uu horyaalkaas kula biirayaa Cristiano Ronaldo.
Lama shaacin kooxda heshiiska rasmiga ah uu la gaaray ee ka dhisan Waddanka Sucuudiga, balse waxaa loo malaynayaa inay tahay Al-Hilaal kooxda uu Messi ku biirayo, taasoo todobaadyadii dhowaa soo bandhigtay dalabkii ugu weynaa kubadda cagta.
Wargeyska The Sun ayaa warinaya in Lionel Messi uu u guurayo Waddanka Sucuudiga oo uu ka ciyaari doono sanadaha ugu dambeeya xirfaddiisa ciyaareed, isla markaana mushaharkiisa sanadkii uu noqon doono 400 oo milyan oo gini oo u dhiganta 505 milyan oo dollar, taasoo ka dhigi doonta xiddiga ugu mushaharka badan taariikhda kubadda cagta.
35-sano jirkaan ayaa toodobaad ka hor la xaqiijiyey inuu ka tagayo kooxdiisa PSG, waxaana la wariyey inuu kaliya sugi doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
Dhinaca kale wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in Lionel Messi uu tegayo waddanka Sucuudiga oo uu maalmihii ugu dambeeyey wada xaajood kula jiray kooxda Al-Hilaal ee dalkaasi.
Haddii uu Messi tago dalka Sucuudiga waxa uu jabin doonaa rikoorkii Cristiano Ronaldo oo bishii December noqday ciyaaryahanka ugu mushaharka badan Adduunka markii uu kooxda Al-Nassr ugu biiray mushahar dhan sanadkii 200 milyan oo gini.
Astaan Sports