2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaLa Liga

RASMI: Kooxda Barcelona oo xaqiijisay bixitaanka Sergio Busquets

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay inuu ka tagi doono dhammaadka xilli ciyaareedkan kabtankeeda Sergio Busquets.

Qandaraaska Busquets ee kooxda Barcelona ayaa ku eg dhammaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan 30-ka bisha June ee soo aaddan, marka uu heshiiskiisa dhammaystana waa uu ka tagi doonaa garoonka Camp Nou.

Kabtan Busquets ayaa soo afjari doona 18 sano oo uu ku sugnaa kooxda Barcelona, isla markaana uu u saftay 719 kulan, waxaana uu kula guuleystay kooxda reer Catalan 31 koob.

Kooxda Barcelona ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay muuqaal ay ku soo koobtay sanadihii uu Sergio Busquets ku qaatay Barcelona.

Dhinaca kale Sergio Busquets ayaa laftiisu xaqiijiyey bixitaankiisa waxaana uu farriin dheer u diray taageerayaasha kooxda Barcelona.

Busquets ayaana hadalkiisa ku bilaabay: “Taageerayaasha Barcelona waxaa la gaaray waqtigii aan idiin sheegi lahaa in xilli ciyaareedkan noqon doono midkii ugu dambeeyey ee kooxda, intii aan ku guda jiray xirfaddeyda waxaan ku guuleystay wax waliba oo aan ku riyoon jiray, xitaa haddii ay noqoto heerka dhallinyarada ama kooxda koowaad.

“Waxaan ku noolaa 15 ciyaareed kooxda ugu fiican Adduunka, naadiga aan ku riyoon jiray, nolosheyda oo dhan ayaan ku jiraa, wax badan ayaan gaaray in ka badan 700 oo kulan ayaan u ciyaaray Barcelona, waxaan soo qaatay waqtiyo kala duwan oo aan ahaa taageere, xubin, xiddig iyo kabtan, go’aan aan kaga tagayana ma’ahan mid fudud xilligaan.

“Waxaa la gaari waqtigii aan tagi lahaa, waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii iga caawiyey inaan soo gaaro halka aan hadda joogo, waxay ahayd waayo-aragnimo gaar ah maalintii iigu horreysay ee aan la kulmay shaqaalaha, macallimiinta, ciyaartoyda saaxiibadayda ah iyo madaxweynayaasha naadiga.”

Kaddib 18 sano oo uu ku sugnaa Barcelona, una saftay 719 kulan, isla markaana kula guuleystay 31 koob, Sergio Busquets ayaa ugu dambeyn ka tagaya garoonka Camp Nou dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button