2022 FIFA World Cup

Real Madrid oo qorsheyneyso inay lasoo saxiixato Jude Bellingham & Kylian Mbappe xagaagan.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay lacago badan ku bixiso saxiixa labada ciyaartoy ee u kala ciyaaro kooxaha Borussia Dortmund iyo Paris Saint-Germain xiddigaha kala ah Kylian Mbappe iyo Bellingham xagaagan.

Bellingham waa mid ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay Yurub ka hor xilli ciyaareedka 2023-24, waxaana si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu.

19-sano jirkaan ayaa bandhig cajiib ku soo bandhigay kooxda Dortmund seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, isagoo u dhaliyay 23 gool, islamarkaana caawiyay 25 gool 131 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 13 gool iyo 7 caawin 41 kulan uu saftay xilli ciyaareedkan.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegeysa in Los Blancos ay ku dhowdahay inay heshiis la gaarto Bellingham, taasoo ka dhigi karta inay bixiso 100 milyan oo euro oo u dhiganta 88.3 milyan ginni iyo €20m oo dhiginta  (£17.4m) oo dheeri ah.

Bellingham ayaa heli doono lacag ka badan £360,000 todobaadkii haddii uu ogolaado inuu ku biiro Real Madrid, taasoo ka dhigi doonta ninka labaad ee ugu mushaharka badan Bernabeu isagoo ka dambeen doono Eden Hazard.

Manchester City ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka England, inkastoo la fahamsan yahay in hogaamiyaasha Premier League ay haatan aysan xoogga saareen saxiixa Bellingham taasoo fursad weyn u ah kooxda Real Madriid

Tababaraha Dortmund Edin Terzic ayaa dhawaan hoos u dhigay wararka xanta ah ee sheegaya in Bellingham uu ogolaaday inuu ku biiro koox kale, laakiin waxaa si weyn loo filayaa in ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka uu ka tagi doono kooxda Jarmalka xagaagan, iyadoo uu horey u diiday qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Borussia Dortmund.

Inkastoo Real Madrid looga baahan yahay inay lacag badan ku bixiso heshiiska ay ku dooneyso Bellingham haddana wargeyska The Telegraph ayaa warinaya inay sidoo kale isha ku hayso inay dib u soo nooleeyaan xiisahooda xiddiga PSG ee Mbappe.

Mbappe ayaa u muuqday mid ku dhawaaday inuu u dhaqaaqo Bernabeu xagaagii hore, ka hor inta uusan go’aansan inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo PSG.

PSG ayaa go’aansatay inay sii haysato Mbappe oo ay u aragto xiddiga reer France inuu yahay awooddeeda mustaqbalka halka Lionel Messi iyo Neymar labaduba ay wajahayaan mustaqbal aan la hubin oo kooxda ah, kuwaas oo laga yaabo iney ka tagaan kooxda.

Mbappe ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda PSG isaga oo dhaliyay 207 gool 256 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 ayaa PSG kula guuleystay afar horyaal oo Ligue 1 ah, laakiin weli ma uusan kula guuleysan Champions League, tartankan oo ay Real Madrid dooneyso inay ku guuleysato markeedii 15aad ee xilli ciyaareedkan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button