2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Erik ten Hag: “Ciyaartoyda tayada leh waxay jacel yihiin Man United”

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa kalsooni ku qaba in Red Devils ay soo iibsan doonto ciyaartoy tayo leh suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Erik ten Hag ayaa kooxda keenay Casemiro, Antony, Christian Eriksen iyo Lisandro Martinez, inkastoo uu ku guuldareystay saxiixa Frenkie de Jong ee Barcelona.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag Hag ayaa soo afjaray abaartii koob la’aanta ee kooxda ku jirtay lixdii sanoee la soo dhaafay waxaana kooxda ay ku guuleysatay koobka EFL Cup, waxayna haatan ku jiraan kaalinta afaraad ee kala sarreynta Premier League iyagoo leh 63 dhibcood 34 kulan.

Kooxda Red Devils ay weli ku sii jirtaa xiisaha ay u qabto Harry Kane, Victor Osimhen iyo Randal Kolo Muani.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa aad u xiisenayo weeraryahanka kooxda  Tottenham Hotspur Harry Kane wallow aan la hubin inuu ka tagi doono kooxdiisa Tottenham oo dooneyso iney sii haystaan waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa Man United ciyaaryahanka khadka dhexe ee Westaham Declan Rice si ay ugu xoojiyaan qaybta dhexe.

Si kastaba macalinka United Erik ten Hag ayaa sheegay inuu xoogga saari doono inuu kooxdiisa keeno xiddiga tayo sare leh kuwaasi oo kooxda ku hoggaamin karo koobab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button