2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalChelseaPremier LeagueWararka

Joao Felix oo xiiseynaya inuu ku biiro kooxda Arsenal

Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Joao Felix ayaa la soo warinayaa inuu xiiseynayo inuu ku biiro naadiga Arsenal xilli ciyareedka soo aaddan.

Heshiiska amaahda ah ee uu Joao Felix kula joogo Chelsea ayaa dhammaanaya xilli ciyaareedkan, xiddiga xulka qaranka Portugal ayaana doonaya inuu ku biiro koox ka dhisan qaaradda Yurub.

Sida ay ku warramayso Idaacadda Cadena Cope ee dalka Spain xiddiga reer Portugal ee Joao Felix ayaa doonaya inuu baaqi ku sii ahaado horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo socda waxaana uu xiiseynayaa inuu ku biiro Arsenal.

Joao Felix ayaa sii joogi kara Magaalada London, waxaana uu Chelsea kaga guurayaa kooxda ay ku xafiiltamaan London ee Arsenal, taasoo haatan la warinayo inay tahay Gunners kooxda uu aadka u xiiseynayo inuu ku biiro.

Tababare Mikel Arteta ayaa Joao Felix xiiseynayay tan iyo intii uusan u soo dhaqaaqin Chelsea oo uu joogay kooxda Atletico Madrid.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button