2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalMAN UNITEDPremier LeagueReal MadridWararka

Manchester United oo shaacisay kulamo ay la kala ciyaari doonto Real Madrid iyo Arsenal

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaacisay kulamo saaxiibtinnimo oo ay la kala ciyaari doonto kooxaha Real Madrid iyo Arsenal.

Man United ayaa ku dhawaaqday in kulamada ay ciyaarayso ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana ay Magaalada  Houston ee dalka Maraykanka kula dheeli doontaa kooxda real Madrid.

Labada kooxood ee Man Utd iyo Real Madrid ayaa ku wada kulmi doona garoonka NRG Stadium 26-ka bisha July, waana 24 saac kaddib marka ay kooxda uu hoggaamiyo tababare Ten Hag ay xiddigo da’yar u badan ku wajahdo naadiga Wrexham.

Markii ugu dambeysay oo ay Man Utd dalka Mareykanka kula ciyaarto Madrid waxa ay ahayd kulan ka dhacay garoonka Michigan sanadkii 2014, kaasoo ay soo xaadireen 109,318 taageere, waana dadkii ugu badnaa ee yimaada kulan kubadda cagta ah oo lagu ciyaarayo waddankaas.

Kooxda Manchester United ayaa labada kulan ee kale la kala ciyaari doonta Arsenal iyo Dortmund, waxaana Gunners ay kula dheeli doontaa garoonka MetLife Stadium 22-ka bisha July, halka Dortmund ay la dheeli doonto 30-ka bisha July.

Waxaa kulamadaas aan soo sheegnay ay noqon doonaan kulamo uu Tababare Erik Ten Hag ku tijaabiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe uu doonayo inuu tartan ku galo koobabna ku qaado.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button