2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaLa LigaPremier LeagueWararka

Miyuu Pique heli doonaa billadda La Liga haddii ay Barcelona ku guuleysato horyaalka?

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa is-weydiinaya haddii Gerard Pique uu heli doono billadda La Liga dhammaadka xilli ciyaareedkan haddii Barca ay hanato horyaalka Spain.

Waxa ay kooxda Barcelona aad ugu dhow dahay inay ku guuleysato horyaalka La Liga fasal ciyaareedkan, waxaana ay haatan 13 dhibcood oo saafi ah ka sarreysaa kooxda ku soo xigta ee Real Madrid.

Su’aashaas jawaabteeda oo kooban waa maya, maxaa yeelay waxa ay ku xiran tahay xaqiiqada ah in La Liga aysan si fudud u abaal-marin xiddigaha billadaha.

Yeelkeede, waxa uu magaciisu qeyb ka ahaan doonaa Pique kooxda ku guuleysatay horyaalka La Liga, maadaama uu lix goor ku soo billowday sahxda kooxda Barcelona ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.

Waxaa la filayaa in Pique uu ku soo biiro xafaladda dabaal-deegga Barcelona marka horyaalka la xaqiijiyo, waxaana ay dhici kartaa xafladdaasi berri oo Axad ah.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button