2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaLa LigaPremier LeagueWararka

Barcelona oo xiiseyneyso xiddiga khadka dhexe kooxda Wolves Ruben Neves

Kooxda Barcelona ayaa bilowday wadahadalo ay kula soo saxiixanayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolves ee Ruben Neves waxayna doonayaan iney si toos ula wareegaan suuqa xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal waxaa wada xiiseenayo kooxaha Manchester United iyo Arsenal, laakiin labada kooxood midkoodna dalab rasmi ah kama soo gudbin xiddiga Wolves.

Daily Mail ayaa ku warameysa in 24-sano jirkaan ay u badan tahay inuu ka tagi karo kooxda Wolves  xagaagan, iyadoo xiisaha Barca uu yahay mid aad u weyn.

Ruben Neves saaxiibkiisa Adam Traore ayaa waqti gaaban oo amaah ku soo qaatay garoonka Nou Camp ee kooxda Barcelona, inkastoo bishii Janaayo uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa Wolves.

Ruben Neves ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford bishii Janaayo iyo xagaagii hore, ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ayaa tan iyo markii la isku fahmi waayay hishiiska uu ku aadayo kooxda Man United waxa uu sheegay inuu diiradda saarayo waqtigiisa kooxda Wolves.

Si kastaba Ruben Neves meesha kama saarin suurtagalnimada inuu u katagi karo kooxdiisa xagaagan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button