2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaMAN UNITEDPremier LeagueWararka

Chelsea vs Man United: Waxyaabaha aad uga baahan tahay kulanka maanta ee Final-ka FA Cup-ka haweenka

Maanta waxaa la ciyaarayaa kulanka kama dambeysta ah ee FA Cup-ka haweenka, waxaana kulankan laga baasan doonaa garoonka Wembley 4:30 galabnimo xilliga geeska afrika.

Kooxda dumarka Chelsea ayaa maanta wajahaysa final-ka FA Cup-ka dumarka naadiga ay ku xafiiltamaan horyaalka haweenka Women’s Super League ee Manchester United.

Gabdhaha Blues ayaa 1-0 ku soo garaacay dhiggooda Aston Villa kulankii afar dhammaadka ama Semi-finalka tartankan waxaana ay uga soo adkaadeen 1-0, halka kooxda haweenka Man Utd ay 3-2 uga soo gudbeen Brighton kuna soo gaareen final-ka tartankan FA Cup-ka.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka haweenka Women’s Super League ee Manchester United ayaa maanta ka soo muuqan doona final-ka FA Cup-ka dumarka markii ugu horreysay taariikhdooda.

Kooxda dumarka Chelsea ayaa tartanka FA Cup-ka oo ay galabta ciyaarayso final-kiisa waxa ay ku guuleystay afar goor, halka labo marna laga qaaday, taasoo ka dhigan inay maanta ka hor ciyaareen lix final oo FA Cup-ka ah.

Naadiga ay hoggaaamiso macallin Emma Hayes ee Chelsea ayaa sanadkii hore final-ka tartankan ku garaacday Manchester City, waxaana ay uga adkaadeen 3-2 kaddib ciyaar la isla aaday waqti dheeri ah (extra time).

Haddii kulanka maanta uu noqdo mid barbarro ku dhammaada 90-ka  daqiiqo, waqtiga dheeriga ah iyo gool ku laadyo ama rigoorayaal ayaa la adeegsan doonaa si loo go’aamiyo kooxda ku guuleysanaysa koobka FA Cup-ka.

Labada kooxood ee gabdhaha Chelsea iyo kuwa Manchester United oo maanta wada ciyaaraya ayaa horeba u helay lacag dhan 110,000 oo gini oo abaal-marin ah tan iyo markii ay ku soo biireen wareegga afaraad ee tartanka FA Cup-ka.

Kooxda ku guulaysata galabta tartanka FA Cup-ka dumarka waxay helaysaa lacag dhan 100,000 oo gini oo abaal-marin ah oo uu siinayo xiriirka kubadda cagta Ingiriiska, halka 50,000 oo gini la siin doono kooxda laga adkaado.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button