N’Golo Kante oo la xaqiijiyey inuu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka
Macallinka ku meel gaarka ah ee kooxda Chelsea, Frank Lampard ayaa xaqiijiyey in xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante uu garoomada ka maqnaan doono labada kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedka, taasoo ka dhigan inuu garoomada seegi doono inta ka harsan fasal ciyaareedkan.
Kaliya sagaal kulan ayuu ciyaaray xilli ciyaareedkan 32-sano jirka Kante, waxaana uu la dhibtoonayey dhaawacyo hareeyey, waxaana uu safka hore ku billowday kulamo faro ku tiris ah ka hor kulankii ay shalay barbaraha 2-2 ah la galeen Nottingham Forest.
Kante kaddib markii uu ka soo kabsaday qalliin uu lagu sameeyey, waxaa lagu daray xiddigihii Blues ee tartanka Champions League ku wajahay Real Madrid, waxaana uu ciyaaray kulankaas 90-ka daqiiqo.
Xiddiga reer France ayaa sidoo kale ciyaaray kulammadii ay kooxdiisa Chelsea la kala dheeshay Brentford iyo Arsenal, balse waxa uu dhaawac ku baxay kulankii Bournemouth ee todobaadkii hore.
Waxa uu Kante seegay kulankii shalay ee horyaalka Premier League oo ay la dheeleen Nottingham Forest, tababaraha Chelsea ee Frank Lampard ayaana sheegay in ciyaaryahanku uu maqnaan karo inta ka dhiman kal ciyaareedkan.
Tababare Lampard oo arrintaas ka hadlayay ayaana yiri: “Waxa aan luminnay Kante tababarkii shalay, waxa uu dareemay xanuun dhanka gumaarka ah, sidaas darteed waxa uu maqnaan doonaa dhowr todobaad.”
Astaan Sports