2022 FIFA World CupPremier League

Arsenal oo lacagihii ugu badnaa ku dooneyso Declan Rice,

Tababaraha kooxda kubbadda cagta Arsenal Mikel Arteta ayaa xiddiga heerka caalami ee dalka England ka dhigay bartilmaameedkiisa koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaagan, Arsenal ayaa dooneyso inay ku xoojiso khadkeeda dhexe waxa ay u badan tahay inuu noqdo xagaagan bartilmaameedka koowaad maadaama Arsenal ay ciyaareyso tartanka Champions League tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-17.

Illo wareedyo ku dhaw Declan Rice ayaa ku waramayo in ciyaaryahanka uu haatan aad ula yaabay hormarka ay sameysay Arsenal, waxaana uu xiriir wanaagsan la leeyahay qaar kamid ah xiddigaha Arsenal.

Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay heli karto Declan Rice, kaasoo beddel degdeg ah u noqon karo Thomas Partey iyo Granit Xhaka, oo labadooduba 30-sano jir ah, sidoo kale kooxda Manchester United ay ku raad joogtay in muddo ah Declan Rice, inkasto ay kaga maarmeen Casemiro uu si adag u maamulay khadka dhexe kooxda United.

“Boqolkiiba boqol, waxaan rabaa inaan ka ciyaaro Champions League,” ayuu yiri bishii December Declan Rice, labadii ama seddexdii sano ee la soo dhaafay, sidaas ayaan sheegayay, laakiin si joogto ah ayaan ugu ciyaarayay kooxdeyda, waxaana dareemayaa inaan runtii doonayo meel ka duwan halkan si aan u ciyaaro tartanka xiisaha badan ee champion league.”

Si kastaba Arsenal ayaa diyaar u ah inay West Ham u soo bandhigto 90 milyan ginni si ay u helaan 24 jirka khadka dhexe ee England Declan Rice.​

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button