2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalBarcelonaLa LigaPremier LeagueReal Madrid

Real Madrid oo Barcelona iyo Arsenal kula biirtay tartantanka loogu jiro saxiixa Joao Cancelo

Sida wararku ay sheegayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa Barcelona iyo Arsenal kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Joao Cancelo.

Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee xiiso u muujisa saxiixa Joao Cancelo xagaagan sida uu warinayo Wargeyska (Sport1).

Daafacan ayaa qarka u saaran inuu isaga tago kooxda uu haatan ka tirsan yahay ee Bayern Munich dhammaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhammaado heshiiskiisa amaahda ah, mana u badna inuu dib ugu laaban doono kooxda Manchester City.

Kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu macquulsan oo uu aadi karo Cancelo, laakiin Real Madrid ayaa sidoo kale haatan indhaha ku haysa xaaladdiisa.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button