2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupLa LigaPremier LeagueWararka

Lix garsoore oo ka tirsan VAR oo shaqada laga ceyriyay kaddib casaankii Vinicius Junior

Iglesias Villanueva, garsoorihii  VAR ee kulankii Valencia iyo Real Madrid ayaa laga  ceyriyay shaqada garsoorka.

 Go’aanka ayaa yimid kaddib markii garsooraha uu soo bandhigay kaliya sawirada Viní Jr  isagoo aan soo muujin ciyaaryahanka kooxda Valencia Hugo Duro oo ceejinaya Viní Jr  .

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa shaqada ka ceyriyay guud ahaan lix garsoore oo ka shaqeenayay VAR oo uu ku jiro Iglesias Villanueva kaddibkii casaankii Vinicius Junior.

Xiriirka kubada cagta Spain iyo guddiga farsamada ayaa shaqada ka ceyriyay Iglesias Villanueva iyo shan garsoorayaal kale oo VAR ka tirsanaa kuwaasi oo mas’uul ka ahaa marin habaabinta dhacdadii muranka dhalisay ee Vinicius Junior.

Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Junior ayaa qaatay kaarka cas kaddib markii uu dharbaaxay weerayahanka kooxda Valencia Hugo Duro ciyaartii u dhexeesay kooxaha Real Madrid iyo Valencia.

Vinicius Junior ayaa lagula kacay cunsuriyad joogta ah intii ay socotay ciyaarta taas oo ka timid taageerayaasha kooxda Valencia, taageerayaasha ayaa ku qaylinayay erayo cunsurinimo ah oo ku wajahan Vinicius Junior.

Vinicius Junior ayaa dharbaaxay weeraryahanka Valencia Hugo Duro, oo 22-sano jir taasoo keentay in garsooraha dhexe ee ciyaarta Ricardo De Burgos uu ka saaro kulanka.

Muuqaalo cadeenayo in weeraryahanka kooxda Valencia Hugo Duro oo ceejinayo Vinicius Junior  ayey qariyeen masuuliyiinta VAR ma tusin muuqaalada oo dhamaystiran garsooraha dhexe ee ciyaarta Ricardo De Burgos taa bedelkeed waxay u direen kaliya clip-ka uu Vinicius qalad ku leeyahay.

Iyadoo taas la tixgelinayo, hay’adaha sharciyeynta ee masuulka ka ah garsoorayaasha ayaa go’aansaday in ay shaqada ka ceyriyaan dhammaan lixda garsoore ee qariyay muuqaalada Hugo Duro oo ceejinayo Vinicius Junior. .

Vinicius Junior waxa uu taageero ka helay saaxiibadiis, ciyaartoydii hore kubbadda cagta ee ka fadhiistay, ciyaaraha iyo naadigiisa dhacdada kaddib.

Dhanka kale waxaa xalay dalka Brazil la damiyay nalalka taalada weyn Cristo Redentor, oo ku taal buurta Mount Corcovado, maagalada Rio de Janeiro, koonfur bari ee dalka Brazil

si loo muujiyo in dadka reer Brazil ay ka xunyihiin cunsurnimada lagu sameeyay wiilkooda Vinícius Jr.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button