2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaBayern MunichBorussia DortmundBundesligaChampions LeagueChelseaJuventusLa LigaMan CityPremier League

Xiddig Croatian ah oo ku guuleystay Champions League 10 xilli ciyaareed oo xiriir ah!

Tan iyo markii uu Mandzukic gacanta ku dhigay koobka dhegaweynaha Champions League, ciyaaryahan Croatian ah ayaa ku guuleysanayay tartanka ugu caansan Yurub sanad walba ilaa hadda.

Guushii Kooxda Real Madrid ay ka gaartay Liverpool final-kii Champions League ee ugu dambeeyey ayaa ka caawisay xiddigaha reer Croatia inay sii haystaan rikoorkooda gaar ah ee tartankan, kaasoo markii ugu horreysay soo bilowday sanadkii 2013.

Guushaas 1-0 ah oo ay kooxda reer Spain ee Real Madrid ka gaartay Naadiga reer England ee Reds ayaa xaqiijisay in ciyaaryahan Croatian ah uu ku guuleysato koobka Champions League 10 sano oo xiriir ah, midkii ugu dambeeyey ee ku guuleystay markaasna waxa uu ahaa xiddiga kooxda Los Blanco see Luka Modric, halka kii ugu horreeyey ee Croatian-ka oo sidaasi sameeyeyna uu ahaa Mario Mandzukic oo kooxda Bayern Munich Champions League la qaaday final-kii 2013.

Tan iyo markii Mandzukic uu gacanta ku dhigay koobka Champions League sanadkii 2013, ciyaaryahan Croatian ah ayaa ku guuleystay koobka horyaallada Yurub sanad walba ilaa hadda.

Sare u kaca Croatia ee kubadda cagta:-

Croatia oo ah dal ay ku nool yihiin qiyaastii afar milyan oo qof ayaa si tartiib tartiib ah u bilaabay inay saameyn ku yeeshaan kubadda cagta Yurub.

Tirada ciyaartoyda ka socota dalka Croatia ee ay la soo wareegayaan kooxaha waa weyn ee Yurub ayaa sare u kacday sanadihii ugu dambeeyay.

Dal ahaan, waxay bilaabeen inay soo saaraan xiddigo tayo badan oo kubadda cagta ah, kuwaasoo noqday kuwo laf dhabar u ah dhawr kooxood oo Yurub ah, waxaa xusid mudan sida qaranka Croatia oo dhan uu si weyn uga faa’iidaystay xiddigahaas ka xamaasha qaaradda Yurub intii lagu jiray Koobka Adduunka ee 2018 lagu qabtay Ruushka.

Inkastoo xulka qaranka Croatia laga nasiib roonaaday hadda waxa ay si cajiib ah ku gaareen Final-ka Koobkii Adduunka ee Ruushka, inkastoo ay guuldarro kala kulmeen xulka qaranka Faransiiska, wax yar kaddibna isla sanadkaas Modric ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican Adduunka ee Ballon d’Or, waxaana uu sidaas ku noqday Croatian-kii ugu horreeyey ee ku guuleysta abaal-marintan.

Sara u kaca ay kubadda cagta ka sameeyeen xiddigaha Croatia waxaa sii xoojiyey rikoorkan gaarka ah oo ay ka haystaan tartanka Champions League, waayo 10 sano oo xiriir ah xiddig Croatian ah ayaa ku guuleysanayay koobka horyaallada Yurub.

Waa kuwee haddaba xiddigaha reer Croatia ee ku guuleystay tartanka Champions League 10-kii sano ee la soo dhaafay?

Wax walba waxa ay ku bilowdeen Mario Mandzukic oo sanadkii 2013 Champions League la qaaday kooxda Bayern Munich markii ay final-ka 2-1 ku garaaceen Borussia Dortmund.

Luka Modric ayaa ku guuleystay shan jeer koobka Champions League dhammaantoodna waxa uu la qaaday Kooxda Real Madrid.

Dhanka kale Mateo Kovacic ayaa ku guuleystay afar jeer, saddex jeer oo uu la qaaday Real Madrid iyo hal mar oo uu kula guuleystay Chelsea sannadkii 2021, kuwa kalena waa Ivan Rakitic oo ku qaaday Barcelona, Dejan Lovren oo Liverpool kula guuleystay iyo Ivan Perisic oo hantay Champions League isagoo u ciyaarayey Kooxda Bayern Munich.

Xiddiga Croatia oo ku guuleystay kooxda qaadday, tan laga qaaday & Sanadkii ay ahayd:-

Mario MandzukicBayern MunichBorussia Dortmund2013
Luka ModricReal MadridAtletico Madrid2014
Ivan RakiticBarcelonaJuventus2015
Luka Modric, Mateo KovacicReal MadridAtletico Madrid2016
Luka Modric, Mateo KovacicReal MadridJuventus2017
Luka Modric, Mateo KovacicReal MadridLiverpool2018
Dejan LovrenLiverpoolTottenham Hotspur2019
Ivan PerisicBayern MunichParis Saint-Germain2020
Mateo KovacicChelseaManchester City2021
Luka ModricReal MadridLiverpool2022

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button