2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Maxay tahay sababta aan Goal-line Technology looga adeegsan doonin horyaalka La Liga xilli ciyaareedka soo aaddan?

Horyaalka La Liga oo ka mid ah horyaallada ugu waa weyn caalamka ayaa maamulkiisu waxa ay warinayaa in aan laga isticmaalin Tiknolojiyada tilmaanta in kubaddu ay dhaaftay xariira goosha ee goal-line technology, iyadoo aan ognahay in mar waliba ay ka dhacaan dhibaatooyin arrintaas la xiriira.

Wax ka yar sagaal maalmood kaliya ayaa ka haray xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga, waxaana xusid mudan in xilli ciyaareedka soo aaddan aan Goal-line technology laga adeegsan doonin horyaalka sida uu ku warramay Madaxweyaha horyaalka ee Javier Tebas, kaasoo sheegay in barnaamijkaasi uu yahay mid qaali ah oo qiimo badan ku kacaaya.

Goal-line technology ayaa laga isticmaalayey horyaallada Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 sanadkii hore, halka laga adeegsanayo horyaalka Premier League laga soo billaabo tan iyo billowgii fasal ciyaareedkii 2013–14.

Sidoo kale tartankii qarammada Yurub ee 2016 lagu qabtay Faransiiska ayaa la adeegsaday Goal-line technology, waxaa meelaha kale oo uu ka shaqeeyey barnaamijkan lagu ogaanayo in kubaddu dhaaftay xariira goosha ka mid ah tartammada ugu waa weyn Yurub ee Champions League iyo Europa League.

Madaxweynaha La Liga ee Tebas ayaa sheegay inkastoo qarash-ka ku kacaaya barnaamijkaan Goal-line technology uu qaali yahay haddana waxa uu yiri Spain sideedaba waxa ay go’aansatay inaysan isticmaalin.

Tebas ayaana mar uu la hadlayay Tiempo de Juego yiri: “Maya ma isticmaali doonno Goal-line technology, waayo lacag badan ayay ku kacaysaa.”

Madaxweyne Javier Tebas ayaa sidoo kale sheegay inay socdaan baaritaanno la xiriira shaki ay ka qabaan kulankii Rayo Vallecano iyo Real Sociedad oo uu xusay inay ku dhex jiri karaan arrimo la xiriira sharatan iwm, isagoo carrabka ku adkeeyey in dadka ku shaqada leh tartanka Copa del Rey oo la ciyaaray horraantii bishaan ay wadaan baaritaanno.

“Sida aan horay idinkugu sheegay barnaamijyada noocaas ah baaritaanno ayaa ku socda, baaritaannaduna waqti ayay qaadanayaan, marka ma rabo hadda inaan wax kale ka iraahdo baaritaannadaas socda.” ayuu markale yiri Tebas.

Sidoo kale Javier Tebas waxa uu ka hadlay cunsuriyadda iyo midab takoorka lagu eedeeyey horyaalka La Ligaha oo dhan, iyadoo kii ugu dambeeyey uu ahaa midab takoorkii lagula kacay Vinicius Jr.

60-sano jirkaan Tebas ayaa ka codsaday Vinicius Jr in wixii uu tabanaayo uu si shaqsi ah u soo gaarsiiyo isaga waxaana uu yiri: “Inta aadan cambaareyn oo aadan caayin horyaalka La Liga waxaa muhiim ah inaad arrintaas ku wargelisid oo aad si sax ah u soo gubisid wixii aad tabanayso.”

Tebas ayaa sidoo kale shir jaraa’id Suxufiyiinta ugu sheegay inay kala duwan yihiin dadka dabeecadahood, waxaana uu markale yiri: “Haddii aan la kulmo Vini waxa ugu horreeya oo aan u sheegi doono waxaa waaye inaan ka xumahay, waxaana u sharrixi doonaan inaan wax waliba u sameynayno si aan ula dagaallano midab takoorka.”

Ma’ahan markii ugu horreysay oo horyaalka La Liga uu midab takoor ka dhaco taariikho badan ayuu leeyahay horyaalka La Ligaha oo cunsuriyad ah oo lagu la kacay xiddigaha midabka madow ee ka ciyaara ama ka ciyaari jiray horyaalkaas sidaas oo ay tahay maamulka horyaalka Spain ayaa kooxaha taageerayaashoodu ay midab takoorka ku kacaan ku ganaaxa in garoomadooda ay ku ciyaaraan iyagoo maran iyo ganaaxyo kale oo lacageed.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button