2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Waa sidee xaaladda dhaawac xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka?

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ka walwalsan inay wax aan wanaagsanayn ka hesho xaaladda dhaawac ee xiddigeeda Bukayo Saka kaddib markii uu dhaawac soo gaaray.

Saka oo soo afjaray xilli ciyaareedka kooxda Arsenal ayaa waxa uu isku diyaarinayaa kulammada xulkiisa England uu la ciyaari doono xulalka Malta & North Macedonia ee isreeb-reebka Koobka qarammada Yurub ee EURO 2024.

21-sano jirkaan ayaa la sheegay inuu dhaawac la dhibtoonayay ka hor kulankii ay la ciyaareen Wolves Axaddii laakiin waxa uu ku billowday shaxda kooxda Gunners kulankii ugu dambeeyey.

Arsenal ayaa 5-0 ku xaaqday kooxda Wolves, waxaana goolasha uu xilli ciyaareedkan u dhaliyey Saka ay kooxda ka caawisay inay xilli ciyaareedkan ka dhaliso horyaalka goolashii ugu badnaa ee abid ay hal xilli ciyaareed ka dhaliyaan horyaalka Premier League, iyagoo fasal ciyaareedkan EPL ka dhaliyey 88 gool.

Yeelkeede, Saka ayaa la beddelay qeybtii labaad ee kulankii ugu dmabeeyey oo ay horyaalka ku soo xirayeen xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac siina wadan kari waayey kulanka.

Xulka qaranka England iyo kooxda Arsenal ayaa haatan ka cabsi qaba in xaaladda dhaawac ee xiddigan ay ka darnaato sida haatan la filayo, inkastoo ay ka war sugayaan baaritaannada lagu sameyn doono Saka saacadaha soo aaddan.

Wixii warar ah oo ku soo kordha xaaladda Bukayo Saka wararkeenna dambe ayaad kula socon doontaa hadduu Eebbe idmo.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button