2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Man United oo xiddigeeda Fred u adeegsanaysa sidii ay u heli lahayd laacib ka ciyaara Premier League

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay ciyaaryahankeeda Fred u soo bandhigayso naadiga Fulham si ay beddelkiisa u helaan laacibka khadka dhexe ee Palhinha.

Waxa ay Man United doonaysaa inay xoojiso khadkeeda dhexe inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xididgaha ee xagaaga, Tababare Erik Ten Hag ayaana doonaya inuu dib u dhis dhan walba ah ku sameeyo safkiisa.

Suuqa xagaaga waxaa la filayaa in Fred uu isaga tago Manchester United si uu u raadsado koox uu boos joogto ah ka helayo kal ciyaareedka dambe.

Sida uu warinayo Wargeyska The Sun kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa diyaarinaysa dalab lacageed dhan 50 milyan oo gini iyo waliba ciyaaryahankeeda Fred si ay gacanta ugu soo dhigto xiddiga ay doonayaan ee Palhinha.

Palhinha ayaa kaalin mug leh ka ciyaaray qaab ciyaareedkii ay soo bandhigtay kooxda Fulham kal ciyaareedkii dhowaan la soo gabagabeeyey, waxaana uu naadiga ka ciyaawiyey inay horyaalka kaga dhammaystaan kaalinta 10-aad.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button