2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupLa LigaReal MadridWararka

Karim Benzema oo ka tagaya Real Madrid kaddib markii uu dalab aan la diidi karin ka helay dalka Sucuudiga

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa lagu soo warramayaa in uu qarka u saaran yahay inuu isaga tago kooxda Real Madrid sida ay wararku sheegayaanna xitaa ma sugi doono sanadka 2024.

Karim Benzema ayaa ku jira sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska Real Madrid waxaana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa fog ee kooxda Los Blancos.

Sida uu warinayo Warsida Dairios AS, Karim Benzema ayaa hal lug kala baxay kooxda Real Madrid isagoo dalab labo sano ah oo uu ku qaadan doono 400 milyan oo euro ka helay koox ka dhisan dalka Sucuudiga.

Dalab rasmi ah ee uga yimid Karim Benzema waddanka Sucuudiga waxaa muddo kooban gudaheed uga xoogsan doona lacag ka badan intii uu mushaharka uga qaatay kooxda Real Madrid 15 sannadood ee uu u ciyaarayay.

Suxufiga ciyaaraha wax ka qora ee Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey in Benzema uu dalabku soo gaaray, isla markaana uu hadda ka fiirsanayo, iyadoo labo sanadood gudahood ku heli doono haddii uu qablo dalabkaas mushahar gaaraya 400 oo milyan oo Euro, taasoo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu mushaharka badan kubadda cagta adduunka, isagoo la sinmi doona Cristiano Ronaldo oo isna ka xamaalanaya dalka Sucuudiga.

Inkastoo aan la sheegin kooxda ay tahay naadiga Sucuudiga ee lacagaha badan ku qaadanaya Benzema haddana waxaa loo badinayaa inay tahay kooxda Al Ittahad.

Karim Benzema weli kama uusan hadal dalabkan, hase yeeshee Fabrizio Romano waxa uu sheegay, in xiddiga reer France, xubnaha qoyskiisa iyo wakilkiisuba ay ka tashanayaan wixii ay yeeli lahaayeen, waxayna u badan tahay inuu aqbali doono in uu tago dalka Sucuudiga oo uu lacagtan shaqaysto, maadaama Real Madrid ay kaliya heshiis sanad ah siinayso oo lacagtiisuna aad u yar tahay marka loo eego dalabka uga yimid Sucuudiga.

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka dalbaday Madaxweynaha naadiga ee Florenino Perez in loo keeno weeraryahanka reer England ee Harry Kane haddii uu Karim Benzema xagaagan ka tago kooxda Los Blancos.

Haddii uu Karim Benzema go’aansado inuu ka tago kooxda Real Madrid, waxa uu bixi doonaa isagoo ah halyey naadiga ah wax badanna kula guuleystay, isagoo xitaa ku qaaday abaal-marinta Ballon d’Or.

– 647 kulan ayuu u saftay.

– 353 Gool ayuu u dhaliyey.

– 165 Caawin ayuu u sameeyey.

Waxa uu kula guuleystay:-

– 4x LaLiga

– 5x Champions League

– 3x Copa del Rey

– 3x Supercopa de España

– 4x UEFA Super Cup

– 5x Club World Cup

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button