2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier LeagueWararka

Kooxda Chelsea oo cayrisay 14 Tababare oo kala duwan 20-kii sano ee la soo dhaafay

Milkiilaha haatan kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa xitaa ka naxariis daran midkii ka horreeyay isaga kaddib markii uu shaqada ka ceyriyay maareeyayaal aan howl fiican qaban garoonka Stamford Bridge.

Graham Potter oo wakhti yar hayay shaqada kooxda Chelsea ayaa go’aansaday inay shaqada ka diraan kaddib markii ay u arkeen inuusan ahayn mid guulo u harseedi kara naadiga mustaqbalka wax ka yar todobo bilood kaddib markii ay bixiyeen lacagta lagu buburin karay qandaraaskiisii kooxda Brighton ee 21.5 milyan oo gini.

The Blues waa in la yiraahdaa waxa ay u muuqdaan kuwo aan caadi ahayn tan iyo markii milkiilihii hore ee Roman Abramovich uu kooxda iibsaday bishii June ee sanadkii 2003, waxaana tan iyo markaas ay isku dhaceen 14 tababare oo kala duwan.

José Mourinho iyo Guus Hiddink waa labada tababare ee min labo jeer qabtay shaqada kooxda Chelsea, Mourinho ayaa labo goor si joogta ah loogu magacaabay macallinka Blues, halka Guus Hiddink labo jeer uu Blues ka noqday tababare ku meel gaar ah, halka tababarihii hore ee Liverpool, Rafael Benítez uu sidoo kale lix bilood tababare ku meel gaar ah ka ahaa kooxda Chelsea.

Intii kooxda Chelsea isku bedbedalaysay tababarayaashaas tobanka ka badan haddana guulaheeda koobabka ayaa sii socday tan iyo markii uu iibsaday kooxda Roman Abramovich sanadkii 2003 waxa ay Blues ku guuleysatay 21 koob oo isugu jira kuwo waa weyn iyo kuwo yar yar.

Haddaba waxaan dul istaagaynaa dhammaan tababarayaashii soo maray Chelsea iyo mid waliba koobabka uu kula guuleystay Chelsea, iyadoo ay jiraan macallimiin muddo kooban hayay shaqada Blues haddana aan wax koob ah kula guuleysan.

7 Tababare ayaa kooxda Chelsea koobab kula guuleystay halka 7 tababare oo kale aysan wax koob ah la qaaday kooxda ka dhisan Galbeedka London.

Macallimiinta aan Chelsea wax koob ah la qaadin waxaa ka mid ah Claudio Ranieri, Avram Grant, Luiz Felipe Scolari, André Villas-Boas, Guus Hiddink, Frank Lampard iyo Graham Potter.

Jose Mourinho ayaa ah tababaraha koobabka ugu badan la qaaday Chelsea waxaana uu wadar ahaan kula guuleystay 8 koob, halka Ancelotti iyo Tuchel oo ku soo xiga ay min saddex koob la hanteen Blues.

Tababare waliba muddadii uu xilka Chelsea hayay & kuwa ku guuleystay koobabka:-

ManagerPeriodPremier LeagueChampions LeagueEuropa LeagueFA CupLeague CupOther trophyManager totals
Claudio RanieriSep 2000 to May 20040000000
José MourinhoJun 2004 to Sep 20072001216
Avram GrantSep 2007 to May 20080000000
Luiz Felipe ScolariJul 2008 to Feb 20090000000
Guus Hiddink (interim)Feb 2009 to May 20090001001
Carlo AncelottiJul 2009 to May 20111001013
André Villas-BoasJun 2011 to Mar 20120000000
Roberto Di MatteoMar 2012 to Nov 20120101002
Rafa Benítez (interim)Nov 2012 to May 20130010001
José MourinhoJun 2013 to Dec 20151000102
Guus Hiddink (interim)Dec 2015 to Jun 20160000000
Antonio ConteJul 2016 to Jul 20181001002
Maurizio SarriJul 2018 to Jun 20190010001
Frank LampardJul 2019 to Jan 20210000000
Thomas TuchelJan 2021 to Sep 20220100023
Graham PotterSep 2022 to Apr 20230000000
Competition totals52253421

Hadda kooxda Chelsea waxaa hoggaankeeda loo dhiibay Mauricio Pochettino oo garanaya horyaalka Premier League maadaama uu horay uga soo shaqeeyey.

Rikoorkiisa Premier League ee Pochettino kooxihii uu soo maray:-

𝗦𝗼𝘂𝘁𝗵𝗮𝗺𝗽𝘁𝗼𝗻:

▪️ 54 Kulan

▪️ 19 Guulo

▪️ 18 Barbaro

▪️ 17 Guuldarrooyin

▪️ 73 dhalisay, 66 laga dhaliyey.

Tottenham:

▪️ 202 Kulan

▪️ 113 Guulo

▪️ 43 Barbaro

▪️ 46 Guuldarrooyin

▪️ 372 Dhalisay, 206 Laga dhaliyey.

Yeelkeede aqoontiisa uu u leeyahay horyaalka Premier League macallin Pochettino uma dammaanad qaadeyso inuu sanado badan sii haysan karo shaqadiisa Blues.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button