2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupLa LigaPremier LeagueReal MadridWararka

Muxuu Karim Benzema ka aaminsan yahay toobinta?

Maxay ahaayeen labadii oraah ee uu Karim Benzema soo raaciyey sawirradii toobinta ee uu ku soo bandhigay barihiisa xiriirka bulshada?, muxuuse ka aaminsan yahay toobinta?.

Xiddiga reer France ahna kabtanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema waxa uu la qabsaday soo bandhigista sawirradiisa mar waliba oo la toobayo, isagoo muujinaya inuu ku dareemayo caafimaad iyo raaxo.

Isniintii Benzema waxa uu soo bandhigay labo sawirradiisa ah oo ay ka muuqdaan qalabka toobinta ama isagoo la toobayo, waxaana uu soo raaciyey labo oraah oo cajiib ah, kuwaasoo uu ku cabirayey dareenkiisa, waxaana ay ahaayeen “Mahad Eebbe… Illaahow na adkee”, waxaana uu soo raaciyey sawir Emoji muujinaya gacmaha oo la hoorsanayo.

Labada sawir oo uu soo bandhigay weeraryahankii hore ee xulka qaranka Faransiiska ayaa kan koowaad waxa uu ahaa dhabarkiisa oo la toobayo, halka kan kalena uu ahaa lugtiisa oo uu ka muuqday dhaawac xoog leh oo ka soo gaaray kulankii ay la ciyaareen naadiga Rayo Vallecano, kaasoo qaatay in la tolo 10 qodob.

Sawirkaas toobinta ee uu Benzema soo shaaciyey waxaa bartiisa Instagram-ka ka like gareeyey in ka badan hal milyan saacado yar gudahood, halka Twitter-ka ay like gareeyeen wax ka badan 50,000 kuwaasoo u badnaa taageerayaashiisa iyo kuwa kooxda Real Madrid oo aad uga helay habka uu laacibkani isugu daweeyo toobinta.

Kabtanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa wakhti walba aad ugu kalsoon isku daweynta toobinta, isagoo had iyo jeer ku soo bandhiga sawirrada isagoo la toobayo bartihiisa xiriirka bulshada, waxaana mar uu hadda ka hor ka hadlayay toobinta ku tilmaamay Karim Benzema; “Daawada ugu fiican ee uu abid arkay.”

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button