2022 FIFA World CupBreaking News

Waa kuwee 10-ka tabiye ee ugu fiican taariikhda kubbadda cagta

Tan iyo markii ay soo baxeen telefishinada iyo raadiyaha, sharaxaada iyo fahamka ballaaran ee ciyaaraha kubbadda cagta ayaa noqday mid ku habboon daawashada

Dad badan oo daawada kubbadda cagta ayaa aad ula dhacsan hab-tabinta wariyaasha halka qaar kale ay aad u xiiseeyaan falanqeenta ciyaaraha iyo muujinta dhacdooyinka waaweyn ee ka dhaca kubbadda cagta sida tartamada waaweyn ee qaramada iyo horyaalada kala duwan ee Adduunka laga ciyaaro.

Haddaba warbixintaan, waxaan idinkugu soo koobeynaa, toban ka mid ah tabiyaasha ugu fiican kubbadda cagta Adduunka.

Waxaan ku horreyn doonaa

10- Ian Darke

Waa mid ka mid ah tabiyaasha ugu waaweyn ee ka shaqeeya tabinta ciyaaraha kubbadda cagta, isagoo ka faalloodo kubbadda cagta iyo feerka.

 Darke wuxuu ahaa mid ka mid ah afarta wariye ee ugu sareysa kanaalka Sky’s ‘Big Four’ isaga iyo Martin Tyler, Alan Parry iyo Rob Hawthorne.

Darke waxa uu leeyahay khibrad weyn oo dhanka tabinta ciyaaraha isagoo tabiyay finalka Koobka Adduunka ee FIFA saddex jeer iyo sidoo kale ciyaaraha caadiga ah ee Premier League iyo UEFA Champions League marar badan.

Inkastoo uu horey ula soo shaqeeyay BBC Radio iyo Sky Sports, Darke waxuu sidoo kale ka soo  sheeqeeyay ESPN, Hadda waxa uu tabiya ka yahay BT Sport iyo Prime Video Sport, kuwaasi oo ka warama ciyaaraha Premier League, iyo tartammada kale waxa uu sidoo kale tabiyaaa tartanka FA Cup-ka isagoo ka tabiyo Sky iyo BT Sport.

9-Jon Champion

Taageerayaasha Premier League waxay aad u tabeen tabiyaha khabiirka ah Jon Champion, kaasoo u guuray dalka Mareykanka ka hor xilli ciyaareedkii 2019-20, Champion waxa uu leeyahay waayo-aragnimo balaaran oo kala duwan xirfadiisa tabinta ciyaaraha, wuxuu wakhti la qaatay BBC Sport, ITV Sport, iyo ESPN, iyadoo uu weli katirsanyahay ESPN

Jon Champion waxaa si weyn loogu xauustaa Tvga  ITV uu si weyn uga tabiyay  Koobkii Adduunka ee FIFA 2010-kii, ee lagu qabtay Koonfur Afrika sidoo kale waxaa uu kanaalka  ESPN ka tabiyay Koobkii Adduunka ee FIFA 2014, maadaama tabintiisa ay aad ugu xirnaayeen dhageystayaal badan oo ku nool dalka  Mareykanka.

Intaasi  waxaa u dheer, Jon Champion wuxuu tabiya ka ahaa sanadihii 2006 iyo 2018 FIFA World Cups. Isagoo sidoo kale Tv-yo kale ka tabiyay ciyaaraha kubbadda cagta.

8- Jim Beglin

Jim Beglin waa mid ka mid ah tabiyaasha aadka loogu jacelyahaya horyaalka Premier League wuxuu sidoo kale soo ahaa ciyaaryahan ka hor inta uusan ku biirin tabiyaasha aadka loo jacelayahay  ninka reer Ireland oo ahaa daafac bidix ayaa u soo ciyaarayay kooxaha Liverpool iyo Leeds United iyo kooxo kale.

Jim  Beglin wuxuu inta badan ciyaaraha tabinta kala  shaqeeyay tabiyaasha aadka loo jecel yihiin Peter Drury iyo Martin Tyler, inkastoo uu horey u ahaan jiray ciyaaryahan Liverpool ah, haddana waxa uu yahay mid aan dhinacna u xaglin marka ay timaaddo wax ka sheegidda kooxaha uu u soo ciyaaray waxaana inta badan xoggiihisa raadiya taageerayaal badan oo xiiseeyo ciyaaraha kubbadda cagta

Jim  Beglin shaki la’aan waa mid ka mid ah tabiyaasha ugu wanaagsan ee ciyaaraha waxa uu la soo shaqeeyay BT Sport iyo NBCSN, xirfadiisa ugu badan wuxuu tabiyaa Premier League, UEFA Champions League iyo FIFA World Cup.

7-Andy Gray

Andy Gray, oo sidoo kale ahaa ciyaaryahan soo ciyaaray kubbadda cagta inta uusan noqon tabiye sare waxa uu u soo ciyaaray kooxaha kala ah Aston Villa, Wolverhampton Wanderers, Everton iyo West Bromwich Albion, wuxuuna iska  joojiyay shaqada tabinta warbaahinta sababo la xiriira dhawr arrimood oo arrimo anshaxeed ah.

Aragtidiisa waxaa ku ixtiraamay malaayiin taageerayaal ah oo Adduunka oo dhan, kuwaasi oo si fiican ugu xirnaa isaga iyo saaxiibkiisa Clive Tyldesley iilaa 2012, markaasi oo lagu beddelay Alan Smith.

Gray waxa uu caan ku ahaa dhowr waxyaabood oo uu ku jiray xirfadiisa tabinta laakiin mar walba waxa uu ciyaarta u soo bandhigi jiray si aan eex lahayn oo xog badan leh.

Qaababka uu ciyaarta u sharxi jiray ayaa soo jiitay taageerayaal badan.

6-Clive Tyldesley

Clive Tyldesley waa tabiye khabiir ah  Isagoo qayb ka ahaa kooxda tabinta Tv-ga  ITV muddo dheer oo ugu dambeyntii la wareegay hoggaanka Tvga, kaddib markii uu ka fariistay tabiyihii weynaa Brian Moore,

Tyldesley ayaa inta badan ka faallowda ciyaaraha Champions League (wuxuu tabiayay todoba iyo toban fiinaal) iyo sidoo kale ciyaaraha muhiimka ah ee FA Cup.

Waxa kale oo uu qayb ka ahaa kanaalka EA Sports’ taxanaha fiidiyoowga FIFA muddo dheer.

Intaa waxa dheer, Tyldesley waxa uu ku mutaystay abaal-marinno badan wax-qabadkiisa tabinta, oo ay ku jirto Abaalmarinta Faaliyaha Isboortiga ee Royal Television Society, oo uu ku guulaystay afar jeer.

Tyldesley oo waqti cajiib ku qaadanayo Tv-ga  ITV iyo Tvga kale CBS Sports waqtigan, runtii waa mid ka mid ah tabiyaasha ugu fiican ee kubada cagta Ingariiska.

5-Alan Smith

Laacibkii hore ee kooxaha Arsenal iyo Leicester City Alan Smith ayaa ka mid ah tabiyaasha xirfadlayaasha ah ee waqti ku soo qaatay heerka ugu sarreeya tabinta.

Wuxuu ahaa weeraryahan caan ah, oo sidoo kale dhowr jeer u saftay xulka qaranka England, Smith ayaa si weyn looga yaqaanaa adduunka oo dhan isagoo beddelay tabiyihii weynaa Andy Gray oo ahaa saaxiibkii Martin Tyler ee taxanaha EA Sports’ FIFA.

Habka uu Smith wax u sheego waa mid aan la dhayalsan karin, wuxuuna jecel yahay inuu wax ka sheego sida ay wax u dhacaan, maadaama uu yahay ciyaaryahan heer sare ah, fahamkiisa ciyaarta ayaa dhowr darajo ka sarreeya kuwa asxaabtiisa laakiin hab-dhaqankiisa quruxda badan ayaa muujinaya waxqabadkiis

Smith waxa uu si joogto ah ula shaqeeyay Sky Sports.

4-Peter Drury

Peter Drury oo ah mid ah tabiyaasha kubbadda cagta ugu fiican xilligan ayaa ereyadiisa ku soo jiidanaya taageerayaasha kubbadda cagta daawada.

Waxa uu ka faalloodaa inta badan kulamada Manchester Derby waqtiyadii u dambeeyay isaga iyo saaxiibadiisa Jim Beglin iyo Martin Tyler laakiin waxa uu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah tabiyaasha ugu fiican marka ay timaado in laga sheekeeyo dhacdooyin cajiib ah.

Peter Drury waxa uu soo maray waqtiyo qurux badan,uu ku soo qaatay intooda badan Premier League, halka uu sidoo kale ku caan baxay tabinta qaar ka mid ah tartanka UEFA Champions League iyo tartamada kale ee caalamiga ah sida Koobka Adduunka ee FIFA.

Waxay inta badan taageeryaaasha ku  ixtiraamaan oraahdiisa aan eexda ahayn.

3-Martin Tyler

Martin Tyler, oo ah mid ka mid ah tabiyaasha ugu da’da weyn ayaa muddo dheer ka shaqeenayay kubbadda cagta Ingiriiska illa waqtigan

Martin Tyler oo 77-sano  jir ah ayaa weli ah tabiye sare ah  waqti xaadirkan  wuxuu wada-shaqeyn muddada dheer la lahaa Peter Drury, Jim Beglin iyo Alan Smith, isgoo kasbaday sumcadda kubadda cagta Ingiriiska.

Tyler, oo sidoo kale ah kaaliyaha maareeyaha kooxda heerka shanaad ee Woking FC, ayaa ka soo shaqeeyay Premier League Productions, Sky Sports iyo Fox Australia tabintiisa cajiibka ahayd waxaa lagu xasuusan doonaa goolkii waqtiga dame uu ka dhaliyay Sergio Aguero kooxda Queens Park Rangers xilli ciyaareedkii 2011/12 goolkaasi oo  ahaa mid ay koobka ku qaaday kooxda Man City.

2-John Motson

John Motson, oo bilaabay shaqadiisa tabinta 1971, waa mid ka mid ah tabiyaasha kubbadda cagta ee ugu sarreeya, isagoo soo tabiyay ku dhawaad ​​2000 ciyaarood oo iskugu jiro TV iyo raadiyo

Inkastoo uu ka fadhiistay tabinta 2008, Motson wuxuu la soo shaqeeyay  BBC,  wuxuu geeriyooday sanadkan 23 February 2023.

1-Brian Moore

Halyeyga Brian Moore wuxuu dhashay 1932 wuxuu tabiyay  sagaal Koob Adduun oo FIFA ah iyo in ka badan labaatan koob oo koobab final ah xirfadiisatabinta muddada dheer.

Waxa uu sidoo kale qabtay tabintii England ay ku guuleysatay 1966 finalka Koobkii Adduunka ee FIFA.

Wuxuu  ku dhintay da’da 69-sano  sanadkii 2001, Moore waxaa had iyo jeer lagu xasuusan doonaa inuu ahaa tabiyihii ugu horreeyay ee tabiya ciyaaraha gudaha Ingiriisika.

Wuxuu in badan ka soo shaqeeyay BBC iyo ITV Sport waqtigiisii, Moore waxa uu wacdaro ka dhigay telefiishanka iyo raadiyaha inta uu ku guda jiray xirfadiisa tabinta.

WQ/ Axmed Maxamed Xasan Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button