2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalMan CityMAN UNITEDPremier League

Yaa la ciyaari doona Man City koobka Community Shield haddii ay ku guuleystaan galabta FA Cup-ka?

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa galabta isku dayaysa inay ku guulaysato koobkeedii labaad ee xilli ciyaareedka, isla markaana ay Manchester United ku garaacdo final-ka tartanka faca weyn ee FA Cup-ka.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Pep Guardiola ayaa horay u xaqiijisay hanashada horyaalka Premier League markeedii saddexaad oo xiriir ah, waxaana ay Final-ka Champions League ku wajahayaan naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga, iyagoo goostay tikidhkooda xagaagan ee koobka Community Shield.

Man City ayaa guuldarro la kulantay labadii jeer ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay koobka Community Shield, waxaana markii ugu dambeysay 3-1 uga adkaatay Liverpool sanadkii hore ee 2022, halka sanadkaas kii ka horreeyeyna ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen kooxda Leicester City, yeelkeede weli lama xaqiijiyey kooxda ay sanadkan la ciyaari doonaan koobka Community Shield.

Koobka Community Shield waxaa guud ahaan wada ciyaara kooxda ku soo guuleysatay horyaalka Premier League iyo kooxda hanata tartanka FA Cup-ka, iyadoo Man City ay sanadkan noqon karto mid labada tartanba ku guuleysata, horay waxa ay u soo qaadeen horyaalka Premier League, galabtana waxa ay Man United kaga guuleysan karaan FA Cup-ka.

Haddaba haddii ay sidaasi dhacdo oo Man City ay ku guda guuleysato xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League iyo tartanka FA Cup-ka yaa la ciyaari doona kooxda Pep Guardiola koobka Community Shield?

– Waxaa jira labo kooxood oo la ciyaari kara kooxda Man City koobka Community Shield, waxayna ku xiran tahay natiijada galabta ka soo baxda final-ka FA Cup-ka.

Sida aan soo sheegnay, koobka Community Shield waxaa wada ciyaara kooxda haysata horyaalka Premier League iyo kuwa ku soo guuleystay tartanka FA Cup-ka.

Haddii ay galabta guuleysato Man United kulanka final-ka FA Cup-ka, waxa ay taasi soo afjari kartaa riyada Man City ee ah inay hal xilli ciyaareed ku wada guuleysato saddexleey koobab ah, waxaana ay kooxaha ka wada dhisan Magaalada Manchester wada ciyaari doonaan koobka Community Shield ee soo aaddan, waa haddii ay Man United galabta ku guuleysato FA Cup.

Laakiin haddii ay Man City ku guulaysato koobkeedii labaad ee xilli ciyaareedkaan, waxa ay Community Shield ku wajihi doontaa kooxda kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League, dabcan taasina waa kooxda Arsenal oo horyaalka laga qaaday kal ciyaareedkan.

The Gunners oo inta badan hoggaaminaysay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa ku soo gabagabaysay kaalinta labaad iyagoo 84 dhibcood la yimid, isla markaana shan dhibcood ka dambeeyey kooxda hanatay horyaalka ee Man City.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa koobka Community Shield?

– Koobka Community Shield taariikhda la ciyaari doono weli lama xaqiijiyey, laakiin waxa ay u badan tahay in la dheeli doono midkood 5 ama 6 bisha Agoosto 2023.

Haddii xilligaas la ciyaaro Community Shield waa todobaad kaddib sanadkii hore markii ay koobkan wada ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Manchester City, kulankaasoo qabsoomay Sabti 30-ka bishii July ee 2022.

Kooxda uu hoggaamiyo tababare Jurgen Klopp ayaana Man City ku garaacday 3-1 koobkana ka qaadday, waxaana Reds ay kulankaas goolasha ka kala heshay Trent Alexander-Arnold, Mohamed Salah iyo Darwin Nunez, halka goolka madiga ah ee kulankaas ay Man City ka heshay Julián Álvarez.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button