2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupWararka

Taariikhda uu Lionel Messi ku biirayo kooxdiisa cusub oo la xaqiijiyey

Waxaa la xaqiijiyey taariikhda uu Lionel Messi ku biirayo kooxdiisa cusub kaddib markii la shaaciyey inuu isaga tagay kooxdiisa reer France ee Paris Saint-Germain.

Lionel Messi kooxdiisa cusub ayaa la xaqiijin doonaa todobaadkan kaddib markii uu macsalaameeyey kooxda Paris Saint-Germain.

Kooxda Al Hilal ee dalka Sucuudiga ayaa la warinayaa inay xaqiijisay taariikhda ay ku dhawaaqayso saxiixa Lionel Messi.

PSG ayaa ku dhawaaqday in Messi uu ka tagayo kooxda kaddib labo sano oo uu ku qaatay caasimadda Faransiiska, waxaana uu xalay ka soo muuqday kulankiisii ugu dambeeyey ee xilli ciyaareedka 2022/23.

Messi waxaa xalay lagu sagootiyey guuldarro ku soo gaartay garoonka Parc des Princes iyo taageerayaasha PSG hortooda, waxaana guul soo laabasho 3-2 ka gaartay kooxda Clermont.

PSG ayaa labo gool la horreysay 21-kii daqiiqo ee ugu horreeyey ciyaarta, balse waxaa loogu beddelay saddex gool kulankii ugu dambeeyey ee Lionel Messi uu u ciyaaray kooxda reer France.

Kabtanka xulka qaranka Argentina waxaa la filayay inuu sugo ilaa bartamaha bishan June si loo xaqiijiyo tallaabadiisa xigta iyo kooxda cusub ee uu ku biirayo balse taas waxaa la xaqiijin karaa bartamaha todobaadkan.

Rajadii Kooxda Barcelona ee ahayd inay dib ugu soo celiso garoonka Camp Nou ayaa u muuqata mid sii yaraanaysa, inkastoo ay hore ugu kalsoonaayeen inay heshiis soo laabasho ah ku heli karaan kabtankoodii hore.

Kooxda Al Hilal ee ka dhisan dalka Sucuudiga ayaa heshiis labo sano ah u soo bandhigtay wakiillada Lionel Messi, waxaana heshiiska lagu dhamayn karaa maalmo yar gudahood.

Sida uu warinayo Warsidaha Diario AS, Kooxda Al Hilal ayaa diyaar u ah inay ku dhawaaqdo in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahankooda cusub 6-da bishan June, ka hor inta uusan 35-sano jirkaan u ambabixin fasaxa uu la qaadayo qoyskiisa dhammaadka bishaan.

Lionel Messi ayaa isaga tagay kooxda PSG kaddib 75 kulan oo uu u ciyaaray, 32 gool oo uu u dhaliyey iyo 35 caawin oo uu u sameeyey, isla markaana uu kula guuleystay labo horyaal iyo hal French Super Cup.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button