2022 FIFA World Cup

Taageerihii caanka ahaa ee kooxda River Plate oo geeriyooday

Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday intii ay socotay ciyaartii Sabtidii u dhexeysay kooxaha River Plate iyo Defensa y Justicia.

Kulankan oo ka tirsanaa horyaalka heerka kowaad ee dalka Argentina oo u dhaxeeyay kooxaha River Plate iyo Defensa y Justicia ayaa la hakiyay intii lagu jiray qaybtii hore ee ciyaarta, kaddib markii taageere uu ku dhintay guddaha garoonka Estadio Monumental, sida uu sheegay  wargeyska Ole ee ka soo baxo dalka Arjentin.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa dhacday wax yar kaddib markii ay ciyaarta bilaabatay iyadoo garsooraha dhexe uu kulanka uu hakiyay daqiiqadii 25-aad kulanka, taageeraha dhintay ayaa ahaa 53 jir lagu magacaabo Pablo Marcelo Serrano, wuxu uu ka soo dhacay qaybta sare ee garoonka oo ah darbi shub ah.

Guddiga badbaadada kubbadda cagta iyo kooxda Atlético River Plate waxay sheegeen in taageerahan uu ka soo  booday darbiga sare ee garoonka isla markaana oo ku dhintay isla goobta ayna aad ugu xunyihiin sida ay wax u dhaceen.

Kooxda caafimaadka ayaa isla markiiba soo gaaray garoonka Estadio Monumental sidoo kale booliiska iyo hay’addaha amniga ayaa sameeyay baaaritaano ku saabsan taageeraha dhintay iyo waxa sababay geeridiisa.

Pablo Marcelo Serrano, ayaa ahaa taageero kooxda River Plate waxa uu haystay tikidhada xilli-ciyaareedka oo dhan ee kooxdiisa, ma jirin wax rabshado ah oo ka dhex dhacay guddaha garoonka iyadoo booliska ay sidaasi u sheegeen warbaahinta, 30-daqiiqo kaddib islamarkiiba waxa uu u dhintay taageeraha jug daran oo soo gaartay. Waxa uu ka soo dhacay meel 15-mitir u jirto dhulka oo ahaa darbi shub ah.

Alberto Crescenti, Agaasimaha hay’adda daryeelka caafimaadka ee Buenos Aires ayaa yiri.

“Marka baaritaan lagu sameeyo meydka, runtii waa la ogaan doonaa haddii uu horey u dhaawacmay ama uu u dhintay dhicitaankan, wuxuu ahaa nin timo dheer,” ayuu kudaray hadalkiisa Alberto Crescenti, Agaasimaha hay’adda daryeelka caafimaadka Buenos Aires.

Kooxda River Plate oo ka mid ah kooxaha ugu waawayn uguna guulaha badan Argentina ayaa hadda hoggaanka u haysa horyaalka heerka kowaad ee Arjentiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button