2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupLIVERPOOLWararka

RASMI: Kooxda Liverpool oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Alexis Mac Allister

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Alexis Mac Allister, kaasoo ay kala soo wareegtay naadiga ka ciyaarta horyaalka Premier League ee Brighton & Hove Albion.

Reds ayaa xaqiijisay in Mac Allister uu qalinka ugu duugay heshiis wakhti dheer ah, kaasoo aan la cayimin inta sano oo uu yahay, waxaana la fahamsan yahay in Liverpool ay ciyaaryahankan kula soo wareegtay kaliya 35 milyan oo gini.

24-sano jirkaan reer Argentina oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa lagu sawiray labiska Liverpool, iyadoo sidoo kale loo gacan geliyey lambarkii riyadiisa ahaa ee 10-aad.

Mac Allister ayaa talaadadii tijaabada caafimaad u maray kooxdiisa Liverpool, waxaana xiddigan xulkiisa qaranka Argentina kula guuleystay Koobka Adduunka uu warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo Liverpool, isagoo ku tilmaamay riyo u rumowday.

Lambarka uu Alexis Mac Allister u xiran doono Liverpool ee 10-aad waxaa horay Reds ugu soo xirtay xiddigo ay ka mid yihiin Sadio Mane iyo Philippe Coutinho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button