2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupInterMan CityPremier LeagueWararka

Man City vs Inter Milan: Waxyaabo aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee Final-ka UEFA Champions League

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa isku dayi doonta inay markeedii ugu horreysay taariikhda ku guulaysato tartanka Champions League, isla markaana ay hanato saddexleey koobab ah marka ay caawa final-ka UCL kula ciyaarayaan Inter Milan garoonka Ataturk Olympic Stadium ee dhaca magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 10:00 habeennimo xilliga geeska Afrika.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Pep Guardiola ee Man City ayaa horay ugu guuleysatay horyaalka Premier League iyo tartanka faca weyn ee FA Cup-ka.

Waa markii labaad muddo saddex sano ah gudahood oo ay Man City gaarayso final-ka Champions League, waxaana ay guuldarro kala kulmeen oo koobka ka qaadday kooxda Chelsea kal ciyaareedkii 2020-21.

Manchester United waa kooxda kaliya ee Ingiriis ah oo ku guuleysatay saddexleey koobab ah ee kala ah; horyaalka Premier League, FA Cup iyo Champions League xilli ciyaareedkii 1998-99.

Man City ayaa caawa ciyaari doonta final-ka Champions League, iyadoo ku jirta qaab ciyaareed fiican, isla markaana laga badiyay kaliya hal kulan 26-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ciyaartay tartammada oo dhan, sidoo kale guuldarro la’aan ah xilli ciyaareedkan tartammada Yurub iyagoo adkaaday 7 ka mid ah 12 kulan oo ay ciyaareen.

Inter Milan oo uu hogaamiyey Tababare Jose Mourinho ayaa afar dhammaadka Champions League ku reebtay kooxdii Macallin Pep Guardiola uu horkacayey ee Barcelona, isla markaana ku guuleysatay saddexleey koobab ah sanadkii 2010, laakiin kulankan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee kooxda Talyaanigu ay la ciyaarto Man City.

Manchester City ayaa caawa wajahaysa kooxda saddexda jeer ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ee Inter, kuwaasoo kaalinta saddexaad ka galay horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, isla markaana ku guuleystay Coppa Italia xilli ciyaareedkoodii labaad oo xiriir ah.

Dhanka Kooxda Simone Inzaghi sidoo kale waxay haystaan weerar xoog leh oo wax ka badali kara kulanka, waxaana weerarkooda hoggaaminaya Lautaro Martinez, kaasoo dhaliyay 28 gool, isla markaana sameeyey 11 caawin 58 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, kooxda Talyaanigu sidoo kale waxa ay ku qalabaysan yihiin weeraryahankii hore ee Manchester City, Edin Dzeko iyo Romelu Lukaku, kaasoo aan wax kulan ah ku soo bilaaban tartammada Yurub xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku qaatay kubbadda cagta Ingiriiska tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund xagaagii hore.

Waxa uu jabiyey rikoorka gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan kaddib markii uu 36 gool ka dhaliyey, sidoo kale 52 gool ayuu dhaliyey tartammada oo dhan fasal ciyaareedkan.

Xiddiga xulka qaranka Norway ee Haaland ayaa ku guuleystay abaal-marinta ay bixiyaan ururka qorayaasha kubadda cagta ee Football Writers’ Association (FWA) oo la siiyo ciyaaryahanka sanadka ugu wanaagsan, sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League oo ku wada guuleysta hal xilli ciyaareed abaal-marinta xiddiga ugu fiican Premier League iyo da’yarka ugu fiican sanadka labadaba.

Waddadii ay final-ka u soo mareen labadan kooxood ee Man City iyo Inter haddii aan dib idiin xusuusinno.

Kooxda Manchester City ayaa si cajiib ah kaga soo gudubtay heerka guruubyada Champions League, waxaana ay guuldarro la’aan (unbeaten) kaga soo baxeen kaalinta koowaad ee Guruubka G, iyagoo shan dhibcood oo saafi ah ka sarreeyey kooxda kaalinta labaad guruubka ka gashay ee Borussia Dortmund.

Wareegga 16-ka Champions League waxa ay Man City la ciyaartay naadiga reer Jarmal ee RB Leipzig, waxayna muujiyeen awoodda ay gurigooda ku leeyihiin kulankaas iyagoo 7-1 ku xasuuqay Leipzig, kulankaasoo uu Haalanad shan jeer shabaqa soo taabtay, waxaana ay cel-celis ahaan kaga soo gudbeen 8-1.

Siddeed dhammaadka waxa ay Man City ku aaddan kooxda uu hoggaamin jiray Pep Guardiola ee Bayern Munich, kulankii lugta hore waxa ay City ku adkaatay 3-0 iyadoo hal lug la sii gashay afar dhammaadka tartanka, waxaana ay lugtii labaadna Jarmalka ku soo galeen Bayern Munich barbaro 1-1 ah sidaasna ku xaqiijiyey inay gaareen semi-finalka Champions League.

Wareeggii ugu dambeeyey ee afar dhammaadka Champions league waxa ay Man City martay tijaabo adag iyadoo madaxa gelisay kooxda 14-ka goor ku guuleysatay koobka horyaallada Yurub ee Real Madrid, lugtii hore oo lagu ciyaaray caasimadda Spain ayaa ku soo dhammaaday barbaro 1-1 ah ka hor inta aysan Man City garoonkeeda guul 4-0 ah kaga gaarin Los Blancos, isla markaana iska xaadirin Final-ka tartankan oo ay caawa ciyaarayaan.

Kooxda Inter Milan ayaa ku dhammaysatay kaalinta labaad ee Guruubka C waxaana ay ka dambeeyey Bayern Munich kaddib markii ay labo guuldarro la kulmeen lixdoodii kulan oo ay ciyaareen heerka guruubyada Champions League.

Barcelona ayaa booska labaad ka galeen oo kaalinta saddexaad ee Guruubka u rideen kaddib markii ay 1-0 gurigooda kaga adkaadeen, isla markaana ay barbaro 3-3 ah kula soo galeen Spain.

Heerka bugbax ama  knockout-ka waxa ay wareegga 16-ka iyo siddeed dhammaadka la kala ciyaareen Porto iyo Benfica, xilli ay afar dhammaadka ama Semi-finalka kula kulameen kooxda ay isku magaalada yihiin ee AC Milan.

Labo gool oo ay uga dhaliyeen 11-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulankii lugta koowaad ayay kaga adkaadeen AC Milan, kaddibna kulankii lugta labaad waxa ay uga adkaadeen 1-0, taasoo ka dhigan inay cel-celis ahaan final-ka tartanka Champions League kal ciyaareedkan ku soo gaareen 3-0.

Tan iyo markii la bilaabay ciyaarista Champions League xilli ciyaareedkii 1992-93 kaliya afar kooxood ayaa gaaray final-ka tartankan kaddib markii ay guuldarro la kulmeen kulankooda furitaanka, waxaana ay kala yihiin AC Milan (1994-95), Bayern Munich (1998-99), Tottenham (2018-19) iyo Inter Milan oo gaartay xilli ciyaareedkan (2022-23).

Laakiin sheekada xiisaha u leh Man City ayaa ah in dhammaan saddexdii kooxood ee gaaray final-ka Champions League kaddib markii ay guuldarro ku billowdeen tartanka kulankii final-ka ahaa laga wada adkaaday koobkana laga qaaday.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button