2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupAC MilanSerie AWararka

Milkilihii hore ee Kooxda AC Milan, Silvio Berlusconi oo maanta geeriyooday

Ra’iisul-wasaarihii hore ee Talyaaniga, sidoo kalane ahaa Milkilihii hore ee naadiga AC Milan, Silvio Berlusconi ayaa maanta la xaqiijiyay geeridiisa, isagoo jiray 86 sano.

Maalqabeenka reer Talyaani oo in muddo ah la daalaa dhacayay xanuunno ragaadiyay nolashiisa, waxaana bishii April laga daweeyay caabuq sambabada oo la xiriiray kiis aan hore loo shaacin oo ah Leukemia (Kansarka dhiiga).

Silvio Berlusconi waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka San Raffaele ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga oo la dhigay 9-kii bishan June, sida ay ku warramayso warbaahinta dalkaasi.

Intii uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa dalka Talyaaniga 1994-1995, 2001-2006 iyo 2008-2011, Berlusconi waxaa harreeyay eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Dhinaca kale kooxda AC Milan wuxuu milkiyaddeeda lahaa 31 sano, laakiin 13 Aprril 2017 waxaa si rasmi ah kala wareegeen Maalgashadeyaal Shiinays ah oo leh shirkadda Rossoneri Sport Investment Lux.

Berlusconi oo 86 sano jir ku geeriyooday maanta ayaa ahaa Milkiilaha AC Milan intii u dhexeysay 1986 ilaa 2017, wuxuuna hadda ahaa milkiilaha kooxda Monza oo uu iibsaday sanadkii 2018.

Wakhtigaas waxa uu Berlusconi kula guulaystay kooxda AC Milan 29 koob oo siddeed ka mid ah ay yihiin horyaalka Talyaaniga ah, halka shan koob oo kale ay yihiin UEFA Champions League, isagoo kooxdiisa Monza sidoo kale u soo dallacsiiyey horyaalka Serie A sanadkii 2022.

Berlusconi oo dunida ku soo biiray 1936-kii ayaa ka mid yahay raggii ugu horreyay ee faro ku tiriska ah ee tinta beertay markii ay cusbayd timo beerashada.

Silvio Berlusconi waxa uu ifka uga tagay shan carruur ah oo kala ah Marina, Pier Silvio, Barbara, Eleonora iyo Luigi.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button