2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalChelseaLIVERPOOLMan CityMAN UNITEDPremier LeagueTottenham HotspurWararka

Kulamada toddobaadka koowaad ee horyaalka Premier League 2023-24 oo la soo saaray

Waxaa maanta la shaaciyey kulamada ugu horreeya todobaadka koowaad horyaalka Premier League ee kal ciyaareedka cusub 2023-24.

Kulanka furitaanka u ah horyaalka kal ciyaareedka cusub waxa ay kooxda difaacanaysa ee Manchester City booqan doontaa naadiga dhowaan u soo dallacay Premier League ee Burnley.

Dabac Vincent Kompany kulankiisii ugu horreeyey abid isagoo Macallin ah ayuu wajahayaa kooxdiisii hore ee Manchester City.

Kulanka ugu xiisaha badan ee furitaanka waa midka dhex maridoona kooxa Chelsea iyo Liverpool oo xilli ciyaareedka cusub horyaalka Premier League ku bilaabanaya kulan ay ku wada ciyaari doonaan garoonka Stamford Bridge, waxaana ciyaartaasi la ballamiyey Axada 13-ka bisha Agoosto.

Kulankaas ayaa sidoo kale noqon doona kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah uu tababare Mauricio Pochettino hoggaamiyo kooxda Chelsea.

Arsenal ayaa soo dhoweynaysa Nott’m Forest, halka Manchester United ay kulankeeda furitaanka la ciyaari doonto Wolves.

Kulamada todobaadka koowaad ee furitaanka horyaalka Premier League 2023-24:-

Jimco 11 August 2023

Burnley v Man City

Sabti 12 August 2023

Arsenal v Nott’m Forest

AFC Bournemouth v West Ham

Brighton v Luton Town

Everton v Fulham

Sheff Utd v Crystal Palace

Newcastle v Aston Villa

Axad 13 August 2023

Brentford v Spurs

Chelsea v Liverpool

Isniin 14 August 2023

Man Utd v Wolves.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button