2022 FIFA World Cup

Halkee ayay ku dambeeyeen 11-kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsanaa EPL sanadkii 2013?

Waxaan qoraalkan ku eegi doonaa halkii ay ku dambeeyeen 11-kii ciyaartoy ee loo magacaabay kooxdii ugu wanaagsaneed horyaalka Premier league sanadkii 2013-kii

Majalada Bleacher Report ayaa sanadkii  2013-kii, u magacaawday 11-ciyaartoy oo jiro da’da 20-ka sano kooxdii ugu fiicneed Premier League.

Toban sano ayaa hadda ka soo wareegtay dhammaantood waxay ku jireen  da’da 20-meeyada hadda qaar kamid ah ayaa ku jiro heerka ugu sarreeya xirfaddooda.

Qaar ka mid ah ayaa guulo waa weyn soo hooyay, halka kuwa kale ay ku guuldareysteen inay gaaraan halka ugu sarreysa ee kubadda cagta.

Aan ku bilowno Goolhaye  Gregor Zabret

wuxuu kamid ahaa kooxdii ugu fiicneed horyaalka premier leagu d’da 20-ka sano, sanadkii 2013-kii wuxuuna ka tirsanaa kooxda Swansea City waxaa la yaab ah in goolhayaha reer Slovenia uu kamid ahaa kooxdii ugu wanaagsaneed uusan waligiis u ciyaarin kooxda koowaad ee Swansea waxaana macquul ah in majalada ay ku qiimeysay siyaabo kale iyadoo warbixintan aysan ku cadeen.

Waxa uu ka tagay kooxda Swansea City sanadkii 2020-kii wuxuuna sanadkii 2021-kii ku biiray Ashton Athletic labo kulan ayuu u ciyaaray kaddib wuu ka tagay isala sanadkii 2021kii wuxuuna ku biiray kooxda Aberystwyth Town, wuxuu ahaa koox la’aan tan iyo markii uu ka tagay kooxda Welsh Premier League, Aberystwyth Town, sandkii 2022-kii hadda wax koox ah ma haysto waana 27 jir.

Daafaca Midig : Calum Chambers

Daafaca dhexe ee ingiriiska chambers ayaa kamid ahaa kooxdan waxa  uu katirsanaa sanadkii 2013-kii kooxda Southampton

Chambers wuxuu ku raaxeystay guulo waaweyn, kulankiisii ugu horreeyay ayuu u saftay Southampton isaga oo jiro 17-sano.

Sanadkii 2014-kii kooxda Arsenal ayaa ku iibsatay  lacag dhan 16 milyan ginni waxa uu ku guul daraystay in uu kamid noqdo kooxda koowaad ee  Gunners, Chambers ayaa beeca xorta ah ugu biiray Aston Villa sanadkii 2022 kaddib 122 kulan uu u saftay Arsenal sideed sano guddahood.

Daafaca dhaxe : Nathan Ake

Nathan Ake oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Chelsea

Waxa uu ku biiray Bournemouth,  Kaddib markii uu wacdaro ka dhigay Bournemouth, Ake waxa uu ku biiray Manchester City lacag dhan 41 milyan oo ginni  sanadkii 2020-kii Waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray kooxda city isagoo la qaaday seddexda koob ee xilli ciyaareedkan dhammaaday  2022/23.

Daafaca dhaxe : Nathaniel Chalobah

Nathaniel Chalobah oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Chelsea

Chalobah ayaa kooxo badan  amaah lagu siiyay lix jeer ka hor inta uusan ku biirin Watford sanadkii 2017. Waxa uu ka tagay Fulham kuna biiray kooxda West Bromwich Albion bishii Janaayo ee sanadkan uu hadda ka tirsanyahay.

Daafaca Bidix: Luke Shaw

Luke Shaw oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Southampton

Shaw waxa uu soo maray horumaro badan iyo hoos u dhac ku yimid xirfadiisa, Shaw ayaa kulankiisii ugu horreeyay u saftay Southampton isagoo jiro 16-sano, wuxuu kooxdiisa ka ahaa mid muhiim ah oo booska koowaad ka ciyaaro.

Waxa uu u dhaqaaqay Manchester United sanadkii 2014-kii, waxaana uu u saftay kooxdan 260 jeer tartamada dhan. Laacibka reer England ayaa 30 jeer u ciyaaray xulkiisa waxa uuna dhaliyay gool finaalkii Euro 2020-kii oo xulkiisa guuldarro kala kulmay xulka Italy.

Khadka dhax: Gedion Zelalem

Gedion Zelalem oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Arsenal

Arsenal ayaa rajo weyn ka qabtay Zelalem iney sii haystaan laakiin waxa uu ka tagay kooxda isaga oo aan waligiis u ciyaarin Premier League.

KaDdib markii uu ku dhibtooday inuu Boos joogta ah ka helo Arsenal waxa uu katagay kooxda sanadkii 2015-kii isagoo ku biiray Rangers qaab amah ah sidoo kale kooxo kale ayuu u ciyaaray,

Hadda wuxuu ku biiray kooxda heerka labaad ee FC Den Bosch bishii Janaayo sanadkan si toos ah qiimo aan la shaacin.

Khadka dhaxe : James Ward-Prowse

James Ward-Prowse oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Southampton

Khabiirkan ayaa u soo ciyaaray kooxda da’yarta Southampton intii u dhexeysay sanadihii 2003–2011

Kooxda waaweynka ayaa lagu soodaray sanadkii 2011-kii,  kooxdiisa ayaa u laabatay heerka labaad xilli ciyaareedkii dhammaaday 2022-23, wuxuuna awoodi waayay in uu ka hor istaago in ay ka haraan horyaalka Premier league, 11 jeer ayuu u saftay England isagoo dhaliyay labo gool weli wuxuu ka tirsan yahay Southampton.

Garabka weerarka : Jeremie Boga

Jeremie Boga oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Chelsea

Boga ayaa kaliya hal kulan u saftay Chelsea ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda Sassuolo sanadkii 2018-kii.

Waxa uu dhaliyay labo gool 25 kulan oo uu u saftay Atalanta xilli ciyaareedkii 2022/23 wuxuuna hadda u ciyaara Atalanta.

Garabka weerarka: Adnan Januzaj

Adnan Januzaj oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Manchester United

Belgian ayaa dhaliyay lix gool 65 kulan oo uu u saftay United ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Sociedad sanadkii 2017.

Waxaa laga fasaxay kooxda Real Sociedad xagaagii hore 168 kulan ayuu  u saftay kooxda ka ciyaarta La Liga waxaana uu u dhaliyay 23 gool tartamada dhan.

Waxa uu ku biiray Sevilla bilawgii xilli ciyaareedka, laakiin, ka dib wakhti xaddidan, waxa amaah loogu soo diray İstanbul Başakşehir qeybtii labaad ee xili ciyaareedkii dhammaaday 2022-23

Başakşehir  Amaah ugu ciyaara hadda.

Garabka weerarka: Serge Gnabry

Serge Gnabry oo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Arsenal

Gnabry ayaa wacdaro fiican soo bandhigay tan iyo markii uu ka tagay Arsenal sanadkii 2016.

Waxa uu u dhaliyay 81 gool 218 kulan oo uu u saftay Bayern Munich,waxana uu kooxda ka caawiyay 13 koob oo ay ku jiraan Champions League iyo shan horyaal oo Bundesliga ah oo  isku xigto weli wuxuu ka tirsanyahay  Bayern Munich.

Weerar: Lucas Piazon

Lucas Piazonoo kamid ahaa kooxdan ayaa ka tirsanaa sanadkii  2013-kii kooxda Chalsea.

Piazon waxaa amaah lagu diray todobo jeer intii uu joogay Chelsea, isagoo u ciyaarayay kooxaha Malaga, Reading iyo Rio Ave, ugu dambeyntii wuxuu ka tagay Blues isagoo ku biiray Braga sanadkii 2021.

Hadda wuxuu amaah ugu maqan yahay kooxda reer Brazil ee Botafogo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button