2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaMan CityPremier LeagueWararka

Mateo Kovacic oo la xaqiijiyey inuu ku biiray kooxda Manchester City

Mateo Kovacic ayaa la xaqiijiyey inuu ka tagayo kooxda kubadda cagta Chelsea, isla markaana uu Manchester City ugu biirayo adduun dhan 30 milyan oo gini.

Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga xiddigaha wax ka qora ee Fabrizio Romano ayaa warinaya in heshiiska uu ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia ugu wareegayo kooxda Manchester City la dhammeeyey.

Man City ayaa bixin doona 25 milyan oo gini oo ay siinayso Chelsea si ay u hesho xiddigan khadka dhexe, halka 5 milyan oo kale ay ku xirnaan doonto koobabka uu Kovacic kula guuleyso kooxda Citizens lagu naynaaso.

Tijaabada caafimaad ayuu xiddigan u mari doonaa Manchester City maalmaha soo aaddan, kaddibna waxaa lagu dhawaaqi doonaa heshiiska uu ugu wareegayo Etihad, balse Suxufiga Fabrizio Romano waxa uu leeyahay heshiiskiisa waa la isku afgartay haatan.

Inta badan xiddigihii kooxda Chelsea ayaa ka tagaya naadiga reer London haddii Kovacic uu ku biirayo Man City, Kante la xaqiijiyey inuu Benzema kala garab ciyaari doonto Al Ittihad, waxa ay Arsenal ku dhowdahay saxiixa Kai Havertz.

Intaas kaliya kuma eka waxaa maanta la filayaa in saddexda ciyaaryahan ee Koulibaly, Ziyech iyo Mendy ay isaga tagaan Chelsea oo ay ku kala biiraan kooxaha Al Hilal; Al Nassr iyo Al Ahli, isla markaana heshiisyadooda saacadaha soo aaddan lagu dhawaaqo.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button