Jose Mourinho oo iska casilay xil wayn uu ka hayay UEFA.
Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka kubbada cagta Yurub ee UEFA.
Go’aanka Mourinho ayaa yimid kaddib markii UEFA ku ganaaxday afar kulan oo tartamada Yurub taasoo ka dambeysay, markii uu aflagaadeeyay garsoore Anthony Taylor guuldaradii Roma ka soo gaartay Sevilla finalkii Europa League.
Mourinho ayaa yiri sharuucdii aan rumaysnaa markii aan ku biiray maamulka kubbada cagta Yurub ee UEFA, hadda ma taagna, waxaana dareemay inaan qaato go’aankan.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Mourinho wuxuu warqad u diray madaxa kubbadda cagta UEFA Zvonimir Boban, oo ah guddoomiyaha guddiga.
Warqadda Mourinho ayaa u qornayd “Anigoo kaaga mahadcelinaya martiqaadka aad ii fidisay si aan xubin uga noqdo gudddiga kubbadda cagta ee UEFA, waxaan ka qoomameynayaa inaan ku ogeysiiyo in aan iska casilo shaqadii an u hayay maamulka kubbada cagta Yurub ee UEFA.
“Waxaan codsanayaa inaad sidoo kale u gudbiso go’aankeyga Madaxweynaha UEFA Mr. Aleksander Ceferin.”
Mourinho ayaa aad uga xumaaday qaar ka mid ah go’aamadii uu garsoore Taylor qaatay ciyaartii finalka, wuxaana la siiyay kaarka jaalaha intii ay socotay ciyaarta, halka 7 ciyaaryahan oo Roma ka tirsan ah la siiyay kaarka digniinta intii ay socotay ciyaartii fiinaalka Europa League.
Mourinho waxay UEFA ku soo oogtay dacwad ah in uu aflagaado u adeegsaday garsoore Anthony Taylor taas keentay in laga ganaaxo tartamada UEFA afar kulan.