2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueSerie AWararka

RASMI: Marcus Thuram oo ku biiray kooxda Inter Milan

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay saxiixa Marcus Thuram oo ay ku soo qaateen beeca xorta ah.

Weeraryahankan Marcus Thuram ayaa heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay Inter Milan kaddib markii uu ka dhammaaday qandaraaskii uu kula jiray kooxda Borussia Monchengladbach.

25-sano jirkaan ayaa mushahar ahaan kooxda Inter uga qaadan doona 6 ilaa 6.5 milyan oo euro sida ay warinayso Sky Sports.

Marcus Thuram ayaa loo diiwaan geliyey 44 gool oo lagu daray 29 caawin 134 kulan oo uu saftay kooxda Borussia Monchengladbach.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button