2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Taariikhda kooban ee Cesc Fabregas oo ciyaaraha ka fariistay

Waxa uu dunida ku soo biiray 4-ta bishii May ee sanadkii 1987-kii waxa uu u dhashay Wadanka Spain, dhirirkiisu waa 1.79m, yaraantiisa waxa uu ka soo bilaabay ciyaarista kubadda cagta kooxda CE Mataro (1995-1997), da’yarta xerada lamaasiya ee FC Barcelona (1997-2003) iyo kooxda Arsenal oo (2003-2004) oo uu ka mid ahaa yaryarka Gunners, lugta midig ayuu ku laadaa kubbadda, waxa uuna ka ciyaara qeybta dhexe oo marna uu yahay weerar dhaliye ah, waxa uu ka soo ciyaaraya horyaalada France Ligue 1, kan La Ligaha Spain iyo England Premier League.

Isagoo 16 sanno jir ah September, 2003-dii ayuu noqday da’yarkii ugu horreeyey ee u dheela kooxda Arsenal oo uu ka tirsanaa ilaa iyo 2011-kii, waxa uuna u saftay 303 kulan, 57 gool ayuu u dhaliyey halka 95 caawin ayuu u sameeyey.

Kooxda Barcelona ayuu ka mid ahaa intii u dhexeysay 2011 ilaa iyo 2014-kii iyadoo Catalan uu u dheelay 151 ciyaarood, 50 gool ayuu caawiyey, waxa uuna u ansixiyey 43 gool.

Chelsea ayuu biiray 2014 oo uu ka tirsanaa ilaa 2019-kii muddaas uu u ciyaaray 198 kulan, 58 oo uu caawiyey 22-goolna waa uu u dhaliyey The Blues.

2019 ilaa 2022 waxa uu ka mid ahaa kooxda Monaco oo 68 ciyaar qura uu u saftay, 9 caawin iyo 4 gool ayaa loo diiwan-galiyey.

Wakhtigiisiina waxa uu ku soo qatimay kooxda reer Talyaani ee Como 1907, kulamo gaaraya 17 ayuu u ciyaaray, 2 caawin waa uu sameeyey, balse wax gool ah uma uusan dhalin Como.

Xiddiga heerka caalami ee xulka Spain, Cesc Fabregas intii uu kubbadda ciyaarayey, waxa uu ku guuleystay koobab waa weyn oo ay ka mid yihiin:-

1x World Cup 🏆
2x Euros 🏆
2x Premier League 🏆🏆
1x UEFA Super Cup 🏆
1x Europa League 🏆
1x Club’s World Cup 🏆
1x La Liga 🏆
2x Community Shield 🏆
2x FA Cup 🏆🏆
1x English League Cup 🏆
1x Copa del Rey 🏆
2x Spanish Super Cup 🏆🏆

Koob walba oo weyn waa uu ku guuleystay marka laga reebo UEFA Champions League inkastoo uu final-ka tartankan ciyaaray.

Waayihiisa ciyaareed, 20 sano oo uu xirfaddan ku jiray waxaa uu ku guuleystay 17 koob, isagoo 36 jir ah ayuu Cesc Fabregas 1-dii July, 2023 ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta.

Wixii haatan ka dambeeya Cesc waxa uu noqon doonaa tababare leyliya kooxda Como 1907 ee ka ciyaarta horyaalka heerka labaad ee waddanka Talyaaniga?

Maxaad ku xasuusataa xiddigan caanka ku ahaa inuu xirto funaanada lambarka 4-aad ee Cesc Fabregas?

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button