2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMAN UNITEDPremier LeagueWararka

RASMI: Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Mason Mount… (Lambarkee ayuu u xiran doonaa?)

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xaqiijisay inay dhammaystirtay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Mason Mount, kaas oo ay uga soo qaateen Chelsea 60 milyan oo gini.

Mount ayaa Man United u saxiixay heshiis ku eg bisha June ee sanadka 2028 oo uu ku jiro qiyaar ah inuu ku kordhin karo sanad kale oo dheeri ah haddii loo baahdo.

The Red Devils ayaa siin doonta Chelsea 55 milyan oo gini oo toos ah iyo 5 milyan oo gini oo ku xirnaan doonta guulihiisa.

Waxa uu noqonayaa Mount saxiixii ugu horreeyey ee Tababare Erik ten Hag uu sameeyo xagaagan, iyadoo macallinka reer Holland uu doonayo inuu dib u dhis ballaaran ku sameeyo Manchester United.

Xiddiga reer England ayaa markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub ee Manchester United waxa uu yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay, waana ku hammi weynahay, waan ogahay sida ay cajiibka u tahay ee ay dareento marka koobab lagu guuleysto.

“Waxa aan wax waliba u samayn doonaa sidii aan Man United koobab ugula guulaysan lahaa.”

Mount oo soo afjaray 18 bilood oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa ayaa heshiis shan sano ah qalinka ugu duugay Manchester United.

Isagoo sharraxaad ka bixinayay Mason Mount sababtii uu ugu soo biiray kooxda ayuu muujiyay in Tababare Erik ten Hag uu door weyn ku lahaa go’aankii uu ugu biiray Man United.

“Man United ayaa ii muujisay inay dhisayaan mashruuc cusub, waxaana doonayaa inaan halkaas ka sii wado heerkayga xiga ee xirfadayda.

“Kaddib markii aan ka hor tagay Man United, waxa aan ogahay sida ay Man United u adag tahay iyo sida ay kooxdu u xooggan tahay, sidaas darteed ma sugi karo inaan koobab kula guulaysato kooxda”.

“Kaddib markii aan la kulmay Erik Ten Hag waxa aan dareemay inay Man United tahay kooxda ay tahay in aan u ciyaaro” ayuu yiri Mount.

Mason Mount ayay Man United xaqiijisay inuu u xiran doono lambarka caanka ah ee 7-aad ee kaddib markii uu dhammeystay u soo dhaqaaqistiisa Old Trafford.

Lambarka 7-aad ee Man United ayaa ahaa mid bannaan tan ilaa markii uu Cristiano Ronaldo ka tagay kooxda bishii November ee la soo dhaafay.

Lambarka 7-aad ayaa waxaa Man United u soo xirtay xiddigo caan ah oo ay ku jiraan halyeeyada naadiga sida George Best, Bryan Robson, David Beckham, Eric Cantona, Cristiano Ronaldo iyo kuwo kale.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button