2022 FIFA World Cup

Kagame wuxuu higsanayaa inuu wax ka qabto sixirka kubbadda cagta Rwanda

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo wax looga qabanayo arrimaha ragaadiyay kubbadda cagta Rwanda oo ay ka mid yihiin sixir iyo laaluush.

Intii lagu guda jiray kulanka “Weydii Madaxweynaha” oo laga sii daayay Wakaaladda Warbaahinta Rwanda (RBA), Kagame wuxuu sheegay in shaqsiyaadka qaarkood, gaar ahaan tababarayaasha, ay ku lug lahaayeen dhaqamo anshax xumo ah sida sixirka.

Intii la siin lahaa tababar ku filan kooxaha, waxaad arkaysaa inay ku hawlan yihiin sixir ama laaluush, taas oo ah waxa ugu horreeya ee u baahan in wax laga qabto,” ayuu yiri Paul Kagame.

Inkastoo maal-gelin badan lagu sameeyay qaybta ciyaaraha, haddana kooxaha waddanku waxa ay u halgamayeen sidii ay guulo u gaari lahaayeen tan ayaa ah caqabad hortaagan.

Xulka qaranka Rwanda ayaa hal mar kaliya u soo baxay koobka qaramada Afrika sanadkii 2004-tii, waxaana ay haatan ku jiraan kaalinta ugu hooseysa ee isreeb reebka iyaga oo aan wali wax kulan ah badin.

Kagame waa taageere caan ah oo kubbadda cagta ah, wuxuuna taageeraa kooxda Arsenal, maamulka Dalxiiska ee Rwanda ayaa kooxda la gashay heshiis dhan £30m ($42m) tan iyo 2018-kii

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button