2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupAC MilanPremier LeagueWararka

Christian Pulisic oo ka degay dalka Talyaaniga si uu u dhammaystiro ku biiristiisa AC Milan

Christian Pulisic ayaa gaaray dalka Talyaaniga si uu u dhammaystiro ku biiristiisa kooxda AC Milan.

Tijaabada caafimaad ayuu u mari doonaa AC Milan, waxaana uu ka soo wareegi doonaa kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Chelsea.

Weeraryahanka reer Mareykan ayaa saakay soo gaaray Talyaaniga, waxaana uu ka yimid Atlanta, isagoo ka soo degay Milan.

Instagram-ka kooxda Milan ayaa soo daabacday muuqaal kooban oo uu ku yiri erayadiisii ugu horreeyey kaddib markii uu soo degay, waxaana uu yiri:-

“Haye, Taageerayaasha Milan, anigu waxaan ahay Christian Pulisic, waxaan hadda ka soo degay MIlan, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado, ma sugi karo intaan inaan shaqo bilaabo.”

Warsidaha MilanNews ayaa dhankiisa warinaya in Pulisic markii uu ka gudbo tijaabada caafimaad uu u saxiixi doono Milan heshiis ku eg bisha June ee sanadka 2027, isla markaana qiimaha lagula soo wareegay uu ku kacayo 20 milyan oo euro.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button