2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupAFRICAPremier LeagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

Isku aadka Koobka Adduunka 2026 isreeb-reebkiisa qaaradda Afrika oo maanta la sameynayo & Soomaaliya oo qeyb ka ah

Isku aadka rasmiga ah ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee Waddamada qaaradda Afrika ayaa la sameyn doonaa maanta oo Khamiis ah.

Waxa uu isku aadku ka dhici doonaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 bisha July 2023 Magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast.

Isku aadka ayaa si toos ah looga daawan doonaa dhammaan baraha bulshada ee CAF ay ku leeyihiin dhinaca Internet-ka iyo sidoo kale website-kooda rasmiga ah ee CAFONLINE.com marka ay saacaddu tahay 15:00 GMT oo ah (maanta 6:00 maqribnimo xilliga geeska Afrika), waana saacado yar kaddib marka uu qabsoomo kulanka joogtada ah ee 45-aad ee xiriirka kubadda cagta qaaradda Afrika ee CAF, kaasoo isaga laftiisa lagu qaban doono Magaalada Abidjan ee Cote d’Ivoire.

Isku aadkan waxaa loo kala qeybin doonaa sagaal guruub dalalka xubnaha ka ah CAF.

Guruub walba xulka kaalinta koowaad ka gala si toos ah ayuu ugu gudbi doonaa ka qeyb-galka Koobka Adduunka 2026 ee FIFA.

Sidoo kale afarta kooxood ee ugu fiican sagaalka kooxood ee kaalimaha labaad ka galay guruubkooda ayaa loo sameyn doonaa ciyaaro Play-Off ah, tartankaas Play-Off ah xulkii ka soo gudba ayaana ka qeyb-geli doona Play-off ay FIFA sameynayo oo waddama adduunka oo dhan ah, kaddib marka uu Play-offkaas ka gudubto ayuu aadi doonaa koobka Adduunka 2026.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 July sano badan kaddib markii ugu horreysay Soomaalida ayaa fursad u haysta ka qeyb-galka isku aadka isreeb-reebka xulalka qaaradda Afrika Koobka Adduunka ee 2026 lagu qaban doono dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico, iyagoo ciyaari doona Guruubyada.

Kaddib markii la badiyey tirada xulalka ka qeyb-galaya ciyaaraha koobka Adduunka laga bilaabo dhacdada 2026-ka, isla markaana laga dhigi doono 48 dal, halkii markii hore ay ka ahaayeen 32 dal ayaa kor loo qaaday kuraasta ay ku leedahay qaaradda Afrika ka qeyb-galka koobka Adduunka.

Sidaas darteed xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa ciyaari doona 10 kulan 5 uu ku ciyaari doono meel ka baxsan dalka iyo 5 kulan oo uu ku dheeli doono gudaha dalkeenna oo marti loo noqon doono.

Yeelkeede, waxaa la rajeynayaa in ciyaaraha ay Soomaaliya ku leedahay garoonkeeda aysan ku ciyaari doonin oo laftoodu ay ka dhici doonaan meel ka baxsan dalkeenna sabab la xiriirta in xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ay mamnuucday in ciyaaro caalami ah lagu ciyaaro gudaha Soomaaliya.

9 Waddan oo qaaradda Afrika ah ayaa toos ugu gudbi doona wareegga guruubyada Koobka Adduunka ee 2026.

Haddaba yaad rajeynayaa inay Soomaaliya ku guruub noqoto?

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button