Mark Clattenburg oo magacaabay shan ciyaaryahan oo aad u xanaaq badan.
Shaki kuma jiro in Mark Clattenburg uu yahay mid ka mid ka mid ah garsoorayaasha ugu caansan ee ka soo shaqeeyay taariikhda horyaalka Premier League.
Clattenburg ayaa dhex dhexaadiyay qaar ka mid ah kulamadii ugu waa weynaa ee kubbadda cagta, oo ay ku jiraan tartamada Yurub iyo finalka Champions League.
Ka hor inta uusan ka tagin England si uu u noqdo Madaxa Garsoorka ee Sacuudi Carabiya sanadkii 2017,
Clattenburg ayaa shaaca ka qaaday shanta ciyaartoy ee ugu xanaaqa badan ee uu garsoore u soo noqday.
Waxa uu ka bilaaway Craig Bellamy
Waxaa ugu horreeyo Bellamy wuxuu ku jiraa ciyaartoyda xanaaqa badan ayuu yiri Clattenburg, kii ugu xumaa ayaan u haystay sannado badan, Bellamy wuxuu ahaa mid xanaaq badan waxaan dareemay in taasi ay dhib igu ahayd.
Wuxuu ku muujin jiray xanaaqiisa jir ahaan, luuqaddiisu waxay ahayd mid aad u adag, garsoore ahaan way adag tahay marka aad dhibaato kaaga imaaneyso ciyaartoyga noocaas ah, sababtoo ah isaga ayaa ku mashquulinayo halka aad garoonka intiisa kale maamuli lahayd waana mashquul ayuu yiri Clattenburg.
Clattenburg ayaa ciyaarta ka saaray Bellamy kulan u dhexeeyay kooxaha Manchester City iyo Bolton sanadkii 2009-kii.
Waan u digay isaga dhoor mar maxaa yeelay luqadiisa ayaa ahayd mid aad u adag, kaddibna waxaan siiyay jaale labaad si aan ciyaarta ugu saaro, inkastoo muuqaalka uu ku doodayay ay muuqatay rigoore haddane sida uu iila dhaqmay ayaa keentay inaan ciyaarta ka saaro
Clattenburg ayaa intaa kudaray waan khaldamay, isagana ciyaarta ayuu ka baxay isagoo maskaxiyan u niyad jabsan.
Roy Keane
Keane waa ciyaaryahan kale oo dagaal badan sameeyo Clattenburg ma jeclayn qaabkii uu isku dayi jiray inuu u handado garsoorayaasha Roy Keane.
Clattenburg ayaa tusaale u soo qaatay dhacdadii dhexmartay garsoore Andy D’Urso iyo Roy Keane markii iskudayay inuu aad u handado garsooraha, isku daygaasi waan ogaa ka hor ciyaarta inuu yahay mid dagaal badan ayuu yiri Clattenburg
Waxaan u maleynayay inay taasi ka timid Sir Alex Ferguson sidoo kale marna ma ahayn in la saameeyo go’aankaasi
Wuxuu had iyo jeer la kulmaa dagaal wuxuu rabay inuu noqdo nin adag, laakiin taasi waxay dhibaato ku keentaa garsoorayaasha sababtoo looma dulqaadan karo dagaalkii u dhexeeyay isaga iyo Patrick Vieira,
Pepe
Pepe waxuu ahaa mid dhib badan Garsoorayaasha kuma raaxeystaan ciyaaraha uu ciyaarayo maxaa yeelay waa inaad si joogto ah u ilaaliso.
Waxaan dib u xusuustay sidii uu ii mashquuliyay daafaca dhexe ee Portugal finalkii Champions League ee 2016 ee dhexmaray Real Madrid iyo Atletico Madrid.
Wuxuu inta badan iskudayaa in uu kaa dhaadhiciyo inuu ku tuso waxyaabo ay sameenayaan ciyaartoyda ka soo horjeedo, laba jeer ayuu sameeyay kulankaas, isagoo isku dayay inaan kaarka casa siiyo ciyaaryahan Atletico Madrid ah.
Finalkaasi Real Madrid ayaa 1-0 ku hogaaminaysay qaybtii hore ee ciyaarta laakiin goolku waxa uu ahaa mid offside ah, waxaana ogaanay waqtigii nasashada aniga iyo caawiyaheyga.
Waxaan rigoore siiyay Atletico horaantii qeybta labaad ee ciyaarta markii Pepe uu qalad ku galay Fernando Torres, Pepe ayaa aad u carooday wuxuuna igu yiri isagoo ku hadlaya Ingiriisi sax ah.
Marna rigoore hanagu dhigin, Mark, waxaan ku dhahay tan howshaada ma ahan wuxuu ahaa mid rabo waxa uu doonayo in loo sameeyo taasina waa ku dhib garsoorayaasha.
John Obi Mikel
Sanadkii 2012-kii, Chelsea ayaa dacwad rasmi ah u gudbisay FA-ga kaddib markii John Obi Mikel uu ku eedeeyay Clattenburg inuu ku yiri hadal cunsuriyad ah intii lagu jiray ciyaarta.
Inkastoo guddiga maamulku ay caddeeyeen inaan dhihin hadalkaasi, haddana dhacdadani waxay dhaawacaysay aniga sharafkeyga ayuu yiri Clattenburg
Waxaan u doortay Mikel inaan ku soo daro liiskan sababta oo ah dhacdadan darted, ciyaartii dhexmartay Chelsea iyo Manchester United sanadkii 2012-kii markaasi uu igu eedeeyay inaan ku dhahay hadal cunsuriyad ah, taasoo ahayd mid been abuur ah, waxaana markii dambe dacwadaasi igu waayey FA-ga Ingiriiska.
Waligiis ma uusan iga raaligelin, taasina waa niyad jab sababtoo ah waxay burburin kartay noloshayda.
Waxa aan jacayl u qabay shaqadeeda garsoorka in muddo ah laakiin ma aan joojin karin sababtoo ah waxaan lahaa qoys igu taageero sidoo kale ma lahayn xirfad kale oo aan ku shaqeeyo, taasi waxay reebtay dareen xun oo ilaa maanta jira.
Waxa uu helay fursad uu igu yiraahdo waan ka xumahay oo uu igala hadlo intii lagu jiray ciyaar saaxiibtinimo oo xulkiisa Nigeria ku ciyaareen dalka Maraykanka, ka hor Koobkii Adduunka ee 2014-kii, taasna waan soo dhawayn lahaa, laakiin muusan igu dhihin raali ahow.
Jens Lehmann
Goolhayihii hore ee Arsenal Lehmann wuxuu u muuqday sidii ciyaaryahan murugo leh marka loo eego garsooraha.
Runtii, Clattenburg waxa uu rumaysan yahay in dareenkiisa qaylo-dhaantu ay dhab ahaantii noqotay daciifnimo.
Wuxuu ahaa mid aad u xanaaqsan oo waligiis ma joojin, wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa murugaysan oo qof walba ka xanaaqi lahaa,” Clattenburg ayaa yiri.
Waxa uu ahaa goolhaye weyn laakiin run ahaantii waxa aan u malaynayaa in ay tani daciifnimo ku tahay isaga, kooxaha kalena waxa ay ogaadeen taas.
Clattenburg ayaa intaa ku daray inuusan ku raaxeysan ciyaaraha uu qabanayo marka Lehmann uu goosha u hayo kooxdiisa.
“Wuxuu ahaa qof qallafsan, caqiidadiisuna ma sahlanayn in wax laga qabto.”