Carlos Alcaraz oo garaacay Novak Djokovic kuna guuleystay horyaalka Wimbledon ee ragga.
Carlos Alcaraz ayaa markii ugu horraysay ku guulaystay horyaalka Wimbledon-ka ee ragga isaga oo soo afjaray hanashada Novak Djokovic ee dhawaanahan ku guuleysanayay tartankan, kaddib guul cajiib ah uu ka gaaray.
Ciyaaryahanka reer Spain ee Alcaraz, oo 20 jir ah, ayaa ku badiyay 1-6 7-6 (8-6) 6-1 3-6 6-4 isagoo ku garaacay ninka difaacanayo horyaalka ee Novak Djokovic.
Djokovic ayaa u socday guushii shanaad oo xiriir ah, guushii sideedaad ee ragga iyo tii 24-aad oo tartan waaweyn dhamaantood waa rikooro u gaar ah Novak Djokovic
Kaddib markii uu garaacay 36-jirka reer Serbiya Alcaraz ayaa sheegay iney tahay riyo u rumowday, wuxuuna intaa kudaray inuu ku faanayo naftiisa, maadaama uu gaaray guul wayn, inaan awoodo inaan ciyaaro marxaladan anigoo ah 20 jir ah runtii waa waxweyn.
Alcaraz, oo sanadkii hore ku guuleystay koobkiisii ugu horreeyay ee Grand Slam ee US Open, ayaa u dabaaldegay markii uu qaatay dhibicdii ugu horeysay ee ciyaarta, Wimbledon ayaan ku guuleysatey waqtigii ugu farxadda badnaa nolosheyda ayey ii tahay’
Alcaraz waa ninkii seddexaad ee ugu da’da yar ee ku guulaystay horyaalka Wimbledon kaddib Boris Becker oo 17 jir ahaa sanadkii 1985 iyo Bjorn Borg oo 20 jir ah 1976-dii.
Dhanka kale Djokovic ayaa yiri isagoo ilmeenayo marnaba ma jecli inaad guuldarraysato ciyaarahan oo kale Djokovic oo 23-jeer ku guuleystay horyaalka Grand Slam jeediyay khudbad qiiro leh kaddib ciyaarta
Waxaan ku guuleystay kulamo badan oo adag halkan, laga yaabee inaan ku guuleystey dhowr final waxay ahayd inaan guuldareysto ciyaartan malahaa.
Waa mid adag in la qaato guuldarro laakiin, waa inaan u hambalyeeyaa isaga, oo aan u dhaqaaqo wejiga iyo rajo xoogan oo nafteyda ah.”
Ka hor inta aan la ciyaarin finalka ragga ee u dhexeeyay labadooda Djokovic wuxuu sii kiciyay xamaasad xoogan isagoo sheegay inuu aad ugu gaajaysan guusha.
Djokovic ayaa sanadkan ku guuleystay Australian Open iyo French Open isagoo ka hormaray Rafael Nadal oo heysta 22 koob oo waaweyn,
Djokovic waa ciyaaryahanka kaliya ee lab ah ee ku guuleystay dhammaan sagaalka tartan ee Masters-ka, waxaana uu sidaas sameeyay laba jeer.
Hase yeeshee Alcaraz waxa uu muujiyay in uu caddeeyo in jiilka da’da yari aysan ka badin karin weynaanta Djokovic.
Alcaraz ayaa horey ula kulmay waayo-aragnimo lagu ciqaabay markii uu wajahay Djokovic, kaddib markii uu xanuun ka dareemay jirkiisa intii lagu jiray semi-finalka French Open bishii hore halkaasi oo lagu garaacay Alcaraz 6-3, 5-7, 6-1, 6-1.
Si kastaba ha ahaatee, Djokovic ayaa jabin waayay diiwaanga Roger Federer oo u dhashay Switzerland kaasoo heysta rikoorka ugu badan ee koobabka Wimbledon wuxuu qaaday 8-jeer halka min 7 jeer ay ku kala guuleysteen Djokovic iyo Pete Sampras.