2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaPremier LeagueWararka

RASMI: Kooxda Barcelona oo shaacisay saxiixa Oriol Romeu

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta shaacisay inay la soo wareegtay xiddigeedii hore ee Oriol Romeu.

Romeu ayaa qandaraas saddex sanadood ah qalinka ugu duugay kooxda Barcelona, kaasoo garoonka Camp Nou ku sii hayn doona ilaa sanadka 2026.

Xiddigan khadka dhexe ayaa qandaraaskiisa cusub ee kooxda Barcelona waxaa lagu burburin doonaa adduun dhan 400 oo milyan oo euro.

Bisha September ayuu 32 sano jirsan doonaa Oriol Romeu, waxaana uu haatan dib ugu soo laabtay kooxda Barcelona oo akadeemiyadeeda La Masia kaddib markii uu 12 sano kaddib uu u dhaqaaqay naadiga Chelsea 2011.

Waxa uu Romeu dib ugu soo laabtay dalka Spain xilli ciyaareedkii hore isagoo ka mid noqday kooxda Girona oo uu ka caawiyey inay kaalinta 10-aad kaga dhammaystaan horyaalka kaddib markii la soo dallacsiiyey.

Barcelona ayaa haatan rajeynaysa in Romeu uu ka caawin doono khadka dhexe maadaama uu kooxda ka baxay Sergio Busquets oo u dhaqaaqay Mareykanka.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button