2022 FIFA World Cup

Cristiano Ronaldo oo noqday xiddiga ugu mushaharka badan Instagram-ka.

Cristiano Ronaldo ayaa ka sare maray Kylie Jenner si uu u noqdo xiddiga ugu mushaharka badan Instagram-ka isagoo helo 1.87 milyan ginni halkii qormo uu ku daabaco Instagram-ka .

Ciyaaryahankan, oo ah 38 jir ah, ayaa hadda helayo 1.87 milyan ginni halkii post, marka la barbar dhigo Kylie, oo 25 jir ah, oo qormo kasta ka hesha 1.47 milyan ginni.

Cristiano inta badan wuxuu kor u qaadaa dadka jecel barahiisa bulshada si uu u soo jiito, waxaana uu ku faanaa inuu haysto 597 milyan oo taageerayaal kuwaas oo ku xiran, halka Kylie ay ku xiran yihiin 397 milyan oo taageerayaal ah.

Cristiano ayaa kor u kac weyn ka sameeyay Instagram-ka sanadihii ugu dambeeyay, isagoo kaalinta seddexaad ka galay liiska taajiriinta ee Instagram sanadkii 2019-kii wuxuuna ka helay ku dhawaad lacag dhan £755,000 oo gini qormooyinka uu soo dhigay.

 Kylie Jenner oo ku jirto booska labaad.

Kylie waxa ay haysataa ganacsiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kylie Cosmetics iyo Kylie Swim halka ay sidoo kale ay la shaqeyso shirkada Faransiiska ee sameyso xayeysiimaha Jean Paul Gaultier.

Messi oo ku jiro booska saddexaad

Kaalinta seddexaad ee liiska taajiriinta waxaa ku jiro Lionel Messi oo jeebka ku shubto 1.38 milyan ginni qoraal kasta uu ku daabacaco Instagramka.

Selena Gomez oo ku jirto booska afaraad

Gabadha lagu magacaabo Selena Gomez oo ku jirto booska afaraadayaa iyadana ka hesho lacag dhan 1.35 milyan ginni qoraal kasta, halka Dwayne Johnson uu ku jiro kaalinta shanaad isagoo haysta 1.33 milyan ginni.

Kim Kardashian

Kim Kardashian oo ku jirto tobanka ugu sareysa ayaa ka hesho 1.31 milyan ginni qoraal kasta, halka walaalaheed kala ah Khloe Kardashian iyo Kendall Jenner ay ku jiraan kaalinta sagaalaad iyo tobnaad.

Dhanka kale, gabadha lagu magacaabo Ariana Grande ayaa ku jirta kaalinta toddobaad ee liiska, iyadoo si aad ah ugu dhaw Kim waxayna ka heshaa 1.3 milyan, halka Beyonce ay ka hesho 1.08 milyan ginni qoraal kasta.

Cristiano oo liiskan Instagramka kaalinta koowaad  ku jira ayaa shirkada Forbes,  billowgii bishii May ee sanadkan u aqoonsatay ninka ugu mushaarka badan Adduunka, iyadoo dakhliga sannadlaha ah ee sanadkan lagu sheegay inuu ka sarreeyo 109 milyan ginni.

Cristiano oo 175 milyan ginni ugu soo dhaqaaqay Saudi Pro League bishii Janaayo ee sanadkan, ayaa kaalinta koowaad ka soo galay liiska ciyaartoyda hodanka ah ee qiimeynta shirkada Forbes markii ugu horeysay tan iyo 2017-kii.

Waxa uu sidoo kale markii seddexaad galay kaalinta koowaad guud ahaan, isagoo soo xareeyay lacag dhan 109 milyan ginni, waana tiradii ugu badnayd ee ciyaaryahan kubbadda cagta ah uu soo xareeyo taariikhda.

Qiyaastii 37 milyan oo ginni oo ka mid ah lacaghaasi ayaa soo galay xilli ciyaareedkii dhammaaday waxaana shirkada Forbes’ ay ku sheegatay labadii hishiis uu galay xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Kaliya seddex ciyaaryahan ayaa taariikhda soo xareeyayay 72 milyan ginni muddo sanad ah waana Roger Federer, Tiger Woods, iyo Conor McGregor  sida ay shaacisay majalada Forbes.

Saaxiibtiisa Georgina Rodriguez ayaa la rumeysan yahay inay heshiis adag la gashay Cristiano haddii labada qof ay kala tagaan, iney heli karto lacago badan wallow aan si cad loo shaacin sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button