2022 FIFA World Cup

Kylian Mbappe oo laga saaray kooxda PSG ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Paris Saint Germain ayaa ka saartay shaxdeeda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xiddigeeda Kylian Mbappe, taasoo muujineysa inuu qarka u saaran yahay inuu ka tago caasimadda Faransiiska xagaagan.

xiddiga reer France ayaa mustaqbalkiisa dhowrkii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay lala xiriirinayay u dhaqaaqista Kooxda Real Madrid taasoo u muuqato mid uu  qarka u saaranyahay.

Xagaagii hore, waxa ay u muuqatay in kooxda reer Spain ay doonayso inay soo xerogeliso Mbappe, kaliya waxa uu doortay inuu heshiis cusub u saiixo PSG illaa 2024.

Paris Saint Germain ayaa ka saartay, kooxdoodii ugu dambeysay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka ka hor safarkooda Japan.

 Laacibka reer France ayaana ciyaari doonin kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, taasoo muujineysa in weeraryahanka uu haatan iib yahay.

Daqiiqado yar uun kaddib markii ay ku dhawaaqeen 29-ka ciyaaryahan ee u safri doona Tokyo isbuucaan, saxafiga suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Paris Saint Germain ay hadda u furan tahay iney iibiyaan Mbappe.

Sido kale majalada L’Equipe ee ka soo baxda dalka France ayaa sheegatay, in PSG ayaa aaminsan tahay in Mbappe uu heshiis la gaaray kooxda Real Madrid kaas oo ah in uu si xor ah ugu biiro kooxda reer Spain xagaaga dambe.

Taasi waxay ku kaliftay inay ficil sameeyaan, si ay u xaqiijiyaan inay helaan nooc ka mid ah lacagihii ay ku soo iibsadeen sanadkii 2017-kii  markaasi uu kaga soo biiray kooxda Monaco.

Waxaa arinta sii xoojinayo bixitaankii Karim Benzema xagaagan kaasoo ku biiray horyaalka lacagaha badan ku soo jiidanayo ciyaartoyda ee  Saudi Arabia, u dhaqaaqista Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa macno aad u badan leh, Waxa ay haystaan hal weeraryahan oo la aqoonsan yahay oo kooxdooda koowaad ku jira waana ciyaaryahanka reer Spain Joselu kaasoo dib ugu biiray Real Madrid xagaagan isagoo ka mid xilli ciyaareedkii 2011-12 kooxda Real Mariid.

Real madriid ayey qasab ku tahay iney raadiso weeraryahan kale waana sababta ay xoogga u saareyso saxiixa Kylian Mbappe.

Kooxda Paris Saint Germain ayaa sugeyso jawaabta saxda ah ee Kylian Mbappe haddii uu rabo inuu sii joogo waxaa qasab ah inuu saxiixo hishiis haddii kale uu si cad u sheego inuu baxayo taasoo ay dooneyso PSG iney hesho wax u dhaw lacagihii ay ku soo iibsadeen sanadkii 2017-kii.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button