2022 FIFA World Cup

Cayaaryahan Soomaali ah oo ku biiray koox ka dhisan Englad

Yoonis Faarax, waxa uu ku dhashay London bishii September 1999-kii, waa 23-jir ka ciyaaro dambeedka bidix, wuxuu horey uga tirsanaa naadiga Eskilstuna ee ka dhisan dalka Sweden.

 Yoonis Faarax, waxa uu xirfadiisa ka bilaabay Southend United isagoo ah ciyaaryahan akadeemiyad ah wuxuuna tababar la qaatay xiddigihii hore ee horyaalka Premier League Anton Ferdinand iyo Marc-Antoine Fortune.

Yonis ayaa katagay kooxdiisa Eskilstuna bishii May 2018 wuxuuna muujiyay dhabar adeeg isagoo rabo inuu ku biiro koox ka dhisan Norway oo lagu magacaabo Trysil FK, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay Scandinavia oo ah, qayb ka mid ah waqooyiga Yurub, oo ka kooban labada waddan ee Jasiiradda Scandinavian-ka, Norway iyo Sweden, 19 kulan uu u ciyaaray kooxda ka dhisan Norway Trysil FK,  waxa uu dhaliyay kaliya 1 gool.

Yoonis Faarax ayaa matalay markii ugu horreysay qarankiisa 5-tii Sebtembar 2019-kii, Yoonis ayaa u saftay Soomaaliya kulankiisii ugu horreeyay oo ay 1-0 kaga badiyeen Zimbabwe, taasoo ahayd guushii ugu horreysay ee Soomaaliya ay abid ka gaarto isreeb-reebka Koobka Adduunka ee FIFA, Tan iyo markii uu u saftay kulankiisii ugu horreeyay uu matalo dalkiisa, Yonis waxa uu matalay xulkiisa 7 jeer, isagoo ka qaybgalay tartanka caalamiga ah ee Afrika da’da ciyaartoyda waaweynka 3 jeer.

Kaddib xilli ciyaareed uu la qaatay kooxda Trysil Fk waxa uu ku biiray kooxda Scandinavian-ka ee heerka labaad ee swedan Ytterhogdals, isagoo saftay kulankiisii ugu horreeyay 28-kii Juun sanadkii 2020-ka wuxuuna guuldarro kala kulmay kooxda Pitea oo ku garaacday 3-2 kooxdiisa Ytterhogdals.

Yoonis Faarax waxa uu ka ciyaarayayay kulankaasi khadka dhexe ee bidix kooxdiisa Ytterhogdals waxa uu soo bandhigay la qabsiga kooxdiisa, isagoo u saftay 12-kulan waxaana uu dhaliyay kaliya hal gool.

Kaddib markii uu sanad joogay kooxda Ytterhogdals, Yoonis Farah waxa uu u dhaqaaqay safar 5 saacadood magaalada Eskilstuna waxaana uu ku biiray kooxda ka dhisan magaladaasi ee Eskilstuna City, waxa uu u saftay 11-kulan, xilli ciyaareedkii 2021–2022 ka hor inta uusan u dhaqaaqin England.

Intii lagu jiray ciyaarihii is tijaabinta kooxda Banbury, waxa uu muujiyay xawli, tamar badan oo ka dhigtay mid soo jiidatay kooxda Banbury United FC, isagoo doonayo inuu muujiyo tayada uu ku arkay ina-adeerkii Orodyahanka 4 jeer ku guulaystay billadaha dahabka ee Mo Farah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button