2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaPremier LeagueWararka

Reece James oo doonaya inuu Kabtan u noqdo kooxda Chelsea

Reece James ayaa la soo warinayaa inuu doonayo inuu xirto calaamadda kabtannimo ee kooxda Chelsea.

Isbeddelo badan ayaa ku dhacay Blues, iyadoo ay soo mareen Macallimiin kala duwan sanadihii la soo dhaafay, waxaana hal kulan garoonka kooxda Chelsea soo fariistay, Thomas Tuchel, Graham Potter,  Bruno Saltor iyo Frank Lampard.

Sidaas oo kale kooxda Chelsea ayaa la kulantay dhanka kabtannada si la mid ah tababarayaasheeda, taasoo ka dhalatay Jorginho oo baxay Janaayo iyo Cesar Azpilicueta oo isna baxay bilowgii bishaan.

Mateo Kovacic ayaa sidoo kale u dhaqaaqay dhanka Manchester City todobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Thiago Silva uu haatan yahay musharaxa ugu cad cad ee noqon doona kabtanka rasmiga ah ee kooxda waa weyn ee Chelsea.

Si kastaba ha noqotee, kaddib markii uu arkay saaxiibkiisii ka soo baxay akadeemiyadda ee Mason Mount oo ku biiray Manchester United, James ayaa sidoo kale soo galay xisaabta kabtannada kooxda.

Kaddib markii uu 79 kulan u saftay xiddigaha da’doodu ka hooseyso 18-ka sano iyo 21-ka sano, James ayaa tan iyo markaas 147 kulan u saftay kooxda koowaad ee Chelsea, isagoo gacan ka gaystay 31 gool, 11 gool oo uu dhaliyey iyo 20 caawin oo uu u sameeyey.

Inkastoo aan la dhayalsan karin saameyntiisa uu ku leeyahay kooxda haddana waxa uu waxqabadkiisu intaan ka badnaan lahaa haddii aysan dhaawacyo hareyn lahayn.

Daafacan dambeedka midig ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka, halkaasoo ay kooxdiisa Chelsea ay ku ciyaareyso kulammada isdiyaarinta xilli ciyaareedkan.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, James ayaa wax laga weydiiyay go’aankiisa iyo wax uu ka filayo  Tababare Mauricio Pochettino ka hor kulanka ugu horreeya ee kooxdu ay la ciyaari doonto Liverpool 13-ka Agoosto.

“Nolosheyda oo dhan ayaan joogay Chelsea, waana wax aan waligey ku riyoon jiray, marka waqtiga la gaaro waxaan rajeynayaa inay dhacdo” ayuu James u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan u maleynayaa in qof walba uu leeyahay qaab ka duwan sidii uu hoggaamiye u noqon lahaa, qaarkood way hadlaan, qaarna waxay ku muujiyaan ficilladooda garoonka dhexdiisa, waxaan u maleynayaa inaan labadaba samayn karo, waxaan jeclaan lahaa inaan sidaas u fekero.”

Tababare Pochettino ayaa horay ugu adkeystay inuu sugi doono ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka ka hor inta aysan go’aan rasmi ah ka gaarin doorka kabtannimo ee kooxda Chelsea.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button