2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupChelseaJuventusPremier LeagueWararka

Chelsea & Juventus oo ganaax kala kulmay UEFA

UEFA ayaa sheegtay inay kooxda Chalsea gudbiyeen xog maaliyadeed oo aan dhamaystirnayn’ laga soo bilaabo 2012 illaa 2019, lacagaha la siiyo wakiilada aan si sax ah loo diiwaan gelin ayaa ka mid ah jebinta sharcigan.

Milkiilaha cusub ee Chalsea Todd Boehly iyo shirkad maalgashiga Clearlake Capital, ayaa bishii May ee sanadkii hore soo gabagabeeyay la wareegitaanka kooxda Chalsea oo milkiilaheedu ahaa Abramovich, kaasoo lagu ganaaxay xiriir uu la sameeyay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo lagu eedeeyay inuu xasuuq u geystay dalka Ukrain.

Sida laga soo xigtay majalada Times, jebinta sharcigan waxaa ka mid ah lacag-bixinno wakiillo ah oo aan lagu darin liiska kuwaasi oo aan la shaacin iyadoo qayb ka ah xisaabaadka looga baahanyahay iney soo gudbiyaan kooxda Chalsea.

Chelsea ayaan bixin doonin wax ka badan €10m oo yuuro oo u dhiganta (£8.6m) oo ganaax ah, inkastoo Premier League la filayo dhankooda ineybaaritaano ku sameeyaan Chalsea.

Bayaan ka soo baxay UEFA jimcihii ayaa lagu yiri,  kooxdu waxay jabisay sharciyada UEFA Club Licensing and Financial Fair Play, taasoo ka dhalatay soo gudbinta xog  maaliyadeed oo aan dhamaystirnayn.

Kaddib iibkii kooxda ee bishii May 2022, lahaanshaha cusub ee Chalsea ayaa la aqoonsaday, waxaana lagu wargaliyay UEFA, warbixin maaliyadeed aan dhamaystirnayn marka loo eego xiligii Abramovich uu  kooxda maamulayay, arrimaha la soo sheegay ayaa la xiriira wax kala iibsiga dhacay intii u dhaxaysay 2012 illaa 2019.

Kadib kiiskan kooxda Chalsea ayaa hishiis la gashay Club Financial Control Body  (CFCB) taasoo ogolaatay inay bixiso lacag dhan € 10 milyan si loo xalliyo arrimaha la soo sheegay.

Chelsea ayaan ka qeyb gali doonin tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda kaddib markii ay ku dhameysteen kaalinta 12-aad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

Inkastoo qaladaadku soo jiitamayey ilaa 2012-kii, sharciga UEFA ayaa dhigaya in Chelsea lagu ciqaabi karo kaliya jebinta dhacday shantii sano ee ugu dambeysay.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa laga ganaaxay tartamada Yurub.

Guddiga xakameynta dhaqaalaha ee UEFA Club Financial Control Body  (CFCB) ayaa baaritaan rasmi ah ku biloway Juventus bishii December ee sanadkii hore, bilo kaddib markii kooxda reer Talyaani ay ka mid aheyd sideed kooxood oo heshiis la gaaray UEFA kaddib markii ay u hoggaansami waayeen shuruudaha jebinta xeerka dhaqaalaha.

Bayaan uu soo saaray jimcihii, guddiga maamulka kubbadda cagta Yurub wuxuu ku sheegay inay ku soo rogi doonaan ganaax lacageed kooxda Juventus tabarucaad maaliyadeed oo dheeri ah oo dhan 20 milyan oo Yuuro hadda waxaa laga rabaa iney bixiyaan 10 milyan oo yuuro.

Sidoo kale10 milyan oo dheeri ah ayaa laga jari doonaa waana shuruud, waxaana la fulin doonaa kaliya haddii xisaab-xirka maaliyadeed kooxda ee sannadaha 2023, 2024 iyo 2025 ay u hoggaansami waayaan shuruudaha xisaabaadka ee UEFA.

Juventus oo u soo baxday wareega isreeb-reebka tartanka Conference League kaddib markii ay ku dhameysatay kaalinta toddobaad ee Seria A xilli ciyaareedkii hore, ayaa sheegtay inay ka tanaasushay xuquuqdii ay u lahayd inay racfaan ka qaadato go’aankaas, laakiin waxay ku adkaysatay kooxda in wax dambi aysan gelin.

Waxaan go’aansanay inaan racfaan ka qaadan xukunkan,  Guddoomiyaha kooxda Juventus Gianluca Ferrero ayaa sidaas yiri.

Ferrero waxa uu intaa ku daray in go’aanka Juventus aysan racfaan ugu qaadanayn kiiskan uu ahaa mid waafaqsan nidaamka ay ku shaqaynaysay kooxda markii ay heshiis la gaareen xiriirka kubadda cagta ee Italy bishii May, halkaas oo ay door bideen in ay bixiyaan ganaax dhan 718,000 oo Yuuro si aan looga jarin 10 dhibcood.

“Sida kiiskaas oo kale, waxaan door bidnay inaan joojino oo aan hubinno muuqaal buuxa muujinayo cadeemaha kiiskan ee nagula haysto ee ku saabsan ka qaybgalka kooxda ee tartamada caalamiga ah ee mustaqbalka,” Ferrero ayaa yiri.

Arrintan oo aan la hubin oo waqti la siinin, waxay sii kordhin doontaa hubanti la’aanta marka la eego kaqeybgalkeena 2024-25 ee UEFA Champions League ayuu intaa kudaray Guddoomiyaha kooxda Juventus Gianluca Ferrero.

Wareegyada isreeb-reebka Conference League ee xilli ciyaareedka 2023-24 ayaa bilaabmay horaantii bishan.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button