2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupBarcelonaWararka

Kooxda Inter Miami oo qorsheynaysa inay kulan saaxiibtinnimo garoonka Nou Camp kula soo ciyaarto Barcelona

Kooxda kubadda cagta Inter Miami ayaa isku dayi doonta inay qorsheyso inay kulan saaxiibtinnimo garoonka Nou Camp kula soo ciyaarto Barcelona.

Inter Miami ayaa doonaysa inay isku daydo oo ay diyaariso kulan saaxiibtinnimo oo ay la yeelanayso kooxda Barcelona si ay ugu ogolaato Lionel Messi inuu macasalaamayn sax ah ka helo kooxdiisii hore.

Messi waxa uu Barcelona u soo ciyaaray 17 sano intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2021, waxa uu u saftay in ka badan 700 oo kulan, iyadoo uu u dhaliyay ku dhowaad 650 gool, isla markaana kula guuleystay koobab aan xisaab lahayn.

36-sano jirkaan ayaa kula guuleystay kooxda Barca 10 horyaalka La Ligaha Spain ah, afar Champions league iyo Todobo Cope del Rey, sidoo kale waxa uu qaaday todobo jeer abaal-marinta Ballon d’Or isagoo ah ciyaaryahan ka tirsan Barcelona.

Laakiin labo sano ka hor ayuu ka tagay garoonka Camp Nou, isagoo ilmeeyey oo tiiraayo ku macsalaameeyey markii ugu dambeysay oo uu ka baxayay Barca, iyadoo kooxdu ay awoodi weysay inay bixiso mushaarkiisa arrimo dhaqaale awgeed.

Milkiilaha kooxda Inter Miami ee Jorge Mas oo la hadlayay MLS Soccer ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu dib ula midoobo xiddigiisa cusub kooxdiisii hore ee Barcelona si uu u macsalaameeyo si sax ah.

“Waxaan rajeynayaa in Lionel Messi uu oran karo macsalaameyntiisa saxda ah, haa wuu u qalmaa macsalaamayntiisa saxda ah ee halkaas.” ayuu yiri Mas.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u fududeeyo oo aan uga caawiyo inuu taas sameeyo sababtoo ah wuu u qalmaa middaas.” ayuu Milkiiluhu hadalkiisa ku daray.

Haddii uu kulankaasi ka dhacayo garoonka Nou Camp, waa in la sugo inta uu ka dhammaanayo dhismaha lagu sameynayo garoonka, iyadoo Barca ay xilli ciyaareedka dambe ku ciyaari doonto garoonkeeda Olympic Stadium.

Messi ayaa labo sano ku qaatay Waddanka Faransiiska iyo kooxda PSG, kaddib markii uu macsalaameeyey Barca, laakiin waxa uu ku guuldarreystay inuu saldhigto dalkaas ka hor inta uusan horraantii sanadkan ka tagin u dhaqaaqin Mareykanka.

Waxaa Leo si weyn loola xiriirinayay inuu dib ugu laaban doono Barcelona, si la mid ah waxaa la hadal hayey inuu aadi doono horyaalka Sucuudiga ee Saudi Pro League, laakiin taa beddelkeeda waxa uu doortay inuu u dhaqaaqo Miami.

Messi ayaa u muuqda mid hadda la qabsanaya kooxda Inter Miami, isagoo kulankiisii koowaad markii uu beddel ku soo galay laad xor ah dhammaadkii ciyaarta ugu shubay Cruz Azul, taasoo ka dhigtay inay 2-1 ku adkaadaan, xilli kulankiisii xigayna uu labo gool ka dhaliyey mid kalena ku dhiibay kooxda Atlanta oo ay uga adkaadeen 4-0.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button