2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupMan CityPremier LeagueWararka

RASMI: Nathan Ake oo heshiiska u kordhiyey kooxdiisa Manchester City

Nathan Ake ayaa heshiiska u cusboonaysiiyey kooxdiisa Manchester City, waxaana uu qalinka ugu duugay qandaraas ku eg ilaa sanadka 2027.

Daafaca Manchester City ee Nathan Ake ayaa heshiiska u kordhiyey Man City, waxaana uu qalinka ugu duugay ilaa sanadka 2027, sida ay shaacisay kooxda xafidanaysa Champions League iyo horyaalka Premier League.

Xiddiga xulka qaranka Netherlands ayaa qandaraaskiisii hore ku kordhiyey labo sano, isagoo kooxda ku dheesha garoonka Etihad Stadium u sii ciyaari doona afar xilli ciyaareed oo kale.

Ake ayaa xubin muhiim ah ka ahaa kooxda Pep Guardiola intii lagu jiray xilli ciyaareedkii xusuusta lahaa ee Man City ay ku guuleysatay saddexda koobab ah fasal ciyaareedkii dhammaaday ee 2022-23, isagoo u saftay 41 kulan tartammada oo dhan.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea ayaa Man City ugu soo biiray 41 milyan oo gini oo ay uga soo qaateen naadiga Bournemouth saddex sano ka hor.

Daafacan Nathan Ake ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qandaraaska u dheexeeyo kooxda Man City oo uu ku sheegay inay tahay tan ugu fiican Adduunka.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button